Dowladda Jabuuti ayaa walaaca ka muujinaysa in khatar dhanka ammaanka ah lakulmaan ciidamadeeda ku sugan gudaha Somaaliya.
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Jabuuti ayaa sheegay in dalkiisu ka cabsi qabo in weeraro culus uga yimaadaan ciidamada Xarakada Al Shabaab marka ay ciidanka Itoobiya ku cidleeyaan magaalada Beled Weyne.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa Somaliya Xasan Sheekh u yeeray si layskula afgarto yareynta weerarada dagaalyahanada mujaahidiinta uga yimaad.
Wararka qaar waxay sheegayaan in Jabuuti ay Xasan Sheekh uga cudur daaratay sii joogidda B/weyne haddii ay baxaan ciidanka Jabuuti.
Jabuuti ayaa DF-ka ku amartay in ay ciidan xoogan geyso B/weyne si ay isku weheshadaan ciidamada Jabuutiyaanka ah, ugu yaraan 400 oo Askar Jabuutiyaan ah ayaa ku sugan garoonka diyuuradaha Ugaas Khaliif ee duleedka B/weyne waxayna ka walaacsanyihiin weeraro uga yimaad mujaahidiinta
” Iska Qayishay bal qaraxana baro”
Banaadir Post.