Dagaal beeleed KISMAAYO ka qarxay iyo KUDHAA oo ka baxday gacanta KENYA oo ay maalin ka hor qabsadeen.

23469962

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal beeleed maanta barqadi ka qarxay magaalada Kismaayo kaasoo la sheegayo ilaa hadda inuu dhexmarayo maleeshiyaadka iyagoo isu geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.

Kismaayo ayaa nabad ahayd  muddo 5 sanadood ah iyadoona beelaha walaalaha ee dagaanka ay ku heysteen nabad waarta iyo xasilooni, hayeeshee cadowga cawaanta ah ee Kenya ee duulaanka ku qabsaday magaaladaas ayaa u horseeday dhibaatada hadda taagan.

Dagaalka saaka ayaa ka dhacay jaziirad ku dhegan Kudhaa oo la sheegay in ay ku hakadeen firxadka maleeshiyaadka halka kuwo kalena ay ku baxsadeen doonyo la sheegay markii hore in ay joogeen xeebta.

Dhawaan ayaa Ciidamada Kenya waxey ku soo duuleen jaziiraddaas iyagoona markii ay cudud badan ku soo galeen ka dib ku wareejiyay maleeshiyaadka DF oo isla shalayba laga fara maroojiyay gacan ku heynta deegaankaasi.

Maleeshiyaadka DF ayaa ah kuwo aad u taagdaran isla markaana maciin bida cududa shisheeyaha Afrikaanka, waxaana iska cad in mustaqbalka marka ay dalkeena ka huleelaan shisheeyuhu iyagu iney noqon doonaan kuwo qoxooti ku ah dalalkii nagu soo duulay.