Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Kenya: “Hal Maalin Ayaa 75 Billyan Lagala Baxay Bankiga Dhexe ee Dalka”

23450504
Iyadoo ay wili sii socoto dhibka lagu hayo shacabka soomaaliyeed ee ku nool gudaha kenya ayaa hadana shacabku waxay si saa’id ah uga baxayaan dalkaas.
Dawladda kenya iyo ciidankeeda ayaa waayadan dambe waday raaf iyo xoog ku aruuris ay ku haysay shacabka soomaaliyeed ee kusoo qaxay dhulkaas, dawladda ayaa awood u ictismaashay shacab aczal ah oo aan wax iskacaabin ah samaynayn kuwaas oo naftooda kula soo cararay magaalada nairobi waxayna dawladu sheegtay inay ka go’antahay inay sii wado raafkaas ilaa islii ay noqoto meel ay joogaan Kenyanka oo qura.
Shacabka soomaaliyeed ayaa kusii qulqulayey 22 kii sano ee lasoo dhaafay iyagoo kafurtay ganacsi kala duwan kana dhistay guryo deegaan oo kala duwan, shacabka soomaaliyeed ayaa is dhigtay oo uqaatay sidii dhulkooda hooyo oo kale waxayna ula macaamileen sidii dhul aan lagula hadli karin.
Dawladda kenya ayaa dadkaas useeta dheereesay si ay lacagtooda ugashadaan dhulkaas markii heerkii iyo wakhtigii ay damacsanaayeen lagaarayna u sameeyay shirqool looga saarayo dalka, waxayna bilaabeen inay sameeyaan qaraxyo macmal ah si loogu xalaashado maalka iyo hantida dhooban xaafadda islii.
Hadaba kadib todobaadyo raaf baahsan iyo dhac uu ka socday xaafadda islii ayaa waxay dadku u cararayaan wadamada dariska ah ee uu ka midyahay dalkooda hooyo oo markii hore ay kasoo carareen, dawladda kenya aayaa wili sii wada raafka iyo cadaadiska ay ku hayso shacabka soomaaliyeed waxayna ku amartay in soomaalidu ay uqaxaan xeryaha qaxootiga.
Soomaalida ayaan qaadan go’aanka ah inay dadku aadaan xeryaha qaxootiga badalkeedana waxay aadeen Somalia, Uganda, Tanzania iyo Sudan, Soomaalida ayaa markay ka baxayeen islii la qaxay dhamaan hantidii ay kulahaayeen xaafada.
In ka badan kumanaan guryo oo dabaqyo ah ayaa soomaalidu ka dhisatay halkaas iyagoo islahaa ka macaasha kuna noolaada balse looma quurin ee waxaa kusoo qamaamay yabaac hunguri doon ah oo udulqaadan waayey irsaaqada alle uhibeeyay shacabka soomaaliyeed.
Dawladda kenya ayaa ka macaashtay laftirkeedu raafkii ay ka waday xaafadda islii iyadoo qofkiiba ka qaadaysay lacag kor udhaafaysa 1,300$ halkii mar ee qofka laqabto, waxayna ilaa hada qabatay markii la isku daro inta ay sii daysay iyo inta ay hayso dad kor udhaafaya 3,000 oo qof, ciidanka dadka raafayey ayaan kala soocayn kan sharciga wata iyo kan aan wadan iyadoo hadafku ahaa somali san dhuuban matahay?
Xildhibaanada, Wasiirada, Culimaa’u diinta iyo Indheer garadka udhashay dhulkaas ayaan ilaa hada afka juuqda gabay waxaysana ka hadlin waxa ku socda shacabka soomaaliyeed.
Sidoo kale dawladda fadhiidka ah ee muqdisho ayaanan ka hadlin arinkaan iyadoo masuuliyiin ay ka joogaan gudaha kenya kuwaas oo naftooda ubaqay.
Iyadoo ay jiraan arimahaas oo dhan ayaa gudoomiyaha bangiga dhexe ee kenya usheegay dawladda in ay ku khaldameen raafkii ay ka wadeen xaafada islii isagoo soomaalida ku tilmaamay Kaluun bada kasoo baxay oo saxankii lagu shiili lahaa korka uga soo dhacay. gudoomiyaha ayaa sheegay in markii dal ganacsi lala samaynayo ay labada dawladood wada galaan hishiisyo raaga kuwaas oo lagu dhaqmo, balse wuxuu sheegay in ganacsiga soomaaliyeed uu ahaa lacag aan xadlahayn oo iska soo gali jirtay bankiga dhexe ee dalka, wuxuu intaas ku daray oo dawladda uu usheegay in halmaalin oo qura soomaalidu ay kala baxday 70 Bilyan oo kenya shilling ah, wuxuuna sheegay in halkaas dhaqaale burbur iyo dhaqaale yaraan ay lasoo darsi doonto dawladda.
W/D: Abu-Dujaana.
22967168