DHAGEYSO:-Wariye Kahadlaya Xaqiiqda Jubooyinka iyo Cidda Gacanta Ku haysa Alshabaab iyo Kenya.

23450697Wariyaha idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan Xudeyfa Cabdi Nuur ayaa gobolada Jubooyinka ku bixiyay safar muddo 13 maalmood ah qaatay, kaasoo uu ugu kuur galayay xaaladda guud.

Wariyaha ayaa waxa uu wareysiga ku faahfaahiyay xaaladda ay ku noolyihiin dadka ku dhaqan miyiga sida:- xoolaleyda iyo beeraleyda. Sidoo kale waxa uu sharaxaad ka bixiyay aragtida shacabka ee ku aadan ciidamadaKenya ee ku sugan deegaanada qaar ee gobolka.

Xudeyfa Cabdi Nuur ayaa waxa kaloo uu wareysigiisa uga waramayaa cidda ka talisa baaxadda dhulka wilaayada Juboouyinka oo kamid ah gobolada ay isku heystaan muslimiinta iyo gaalada soo duushay.

Wariyaha ayaa Sheegaya in Inta udhaxaysa Afmadoow iyo Kismaayo Taako kamid ah aysan kusugnayn Ciidamada Kenya iyo Kuwa DF.
Halkaan kadhagayso Wareysiga Xudeyfa

Xigasho http://www.radioalfurqaan.com