Degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose wararka naga so gaaraya ayaa waxa ay xaqiijinayaan in xalay Maleeshiyaad ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudaha Degmadaasi ku afduubteen illaa iyo 3 gabdhood oo ku dhaqan Gudaha Degmadaasi gaar ahaan xaafadaha Xaawo Taako iyo DhagaxTuur.
Mid kamida Haweenkii xalay la kufsaday oo Warbaahinta Muqdisho qaarkood ay la xiriirtay iyadoo lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Degmada Afgooye ayaa waxa ay sharraxaad ka bixisay qaabkii ay Ciidamadu ula dhaqmeen iyo nabarrada Xanuunka badan ee ka soo gaaray kufsigaasi, Haweeneydan ayaa waxay baaq udirtay Madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha udooda Xuquuqda aadanaha waxayna ugu dambeyntii codsatay in tallaabo ay ka qaadaan Shaqsiyaadkii ka tirsanaa Ciidmada dowladda ee xalay iyada kufsaday.
Ma’ahan markii ugu horreysay ee ay Ciidamada Dowladdu kufsadaan Haweenka Soomaaliyeed, Iyagoo aan u aabo-yeelin haddii Haweenkaasi la qabo iyo haddii kale, Iyagoo mararka qaar Nimankooda lagu horkufsado intii la xirxiro, Mana jirto cid illaa iyo haatan isku dayday in ay Masiibadaas wax ka qabato.
Dadka ku dhaqan Shabeelada hoose ayaan mudo dheer arkin wax kufsada ama dhiba kuwaas oo dhulkooda nabad ku joogi jiray ka hor inta aysan soo gaarin Ciidanka shisheeye iyo maleeshiyo beeleedka la socda kuwaas oo bilooyin ka hor soo gaaray Afgooye.
Dadka reer Afgooye ayaa u xiisay Shabaabkii bari ka arimi jiri Afgooye kuwaas oo aan weli meel dheer jirin.
Banaadir Post.