War kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Afrikaanta iyo kuwa DF-ka dhibaata ku qabaan weerarada kediska ah ee uga yimaada xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Jabuutiyaanka ah ayaa saxaafadda Muqdisho u sheegay in dagaalka Jabhadeynta uu halis ku yahay wax uu ugu yeeray “Nabad ilaalinta Somaaliya”.
Weeraro is xigxigay oo dhabagal ah ayay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u dhigeen cadawga ku socdaala waddooyinka isku xira Muqdisho iyo meelaha ay gaareen oo Moqdisho ka baxsan.
“Waa dagaal bilowgiisa la joogo,waana halis hor leh oo soo wajahday ciidankeena Amisom” waxaa yiri Xaamud oo hada gartay sida ay Shabaab u rabaan.
“Ina Cumar Geele ayaa ku soo siray wiilashan qayila dagaalka ka socda gayiga Somaliyeed ka dib markii oo lacago badan ku qaatay inay ku dhintaan dhulka Somaliyeed”waxaa yiri sargaal Somliyeed oo la socda sida xaal yahay.
Banaadir Post.