Qurbajoogta ayaa ku waashay xeebta liido xili qabuuro badan lagu arkayo banaanka Xeebta,waxaana ku nool dad qaxooti ah oo aan awoodin inay ubadkooda u helaan waxay cunaan,kuwaas oo indhahaagu qabanyaan markaad gaarto xeebta Liido oo xaalkeeda Ilaah weyn kaliya garan karo waxa ka jira.
Magaalada Moqdisho ayaa ah magaalo daal badan hayo,welina aan gacan ku hayn kuwii daal tiri lahaa.waana dhibka ka jira Xeebtaas xumaanta lala dhoobtay.
Qurbajoogta”Danyuusbarada” ayaa ku balama Xeebta liido iyaga oo indhahooda ku arka dhibka haya dad ku nool dhulka ku dhirarsan xeebta iyo qabuuro aad u badan oo ay ku jiraan dad Xabad iyo qaajo dishay kuwaas weli ka taagan Magaalada Moqdisho.
Xeebta ayaa soo dhoobtay rag iyo dumar isku dhexjira oo intooda badan qaawan,taaso ay la yaabeen dadka diinta leh oo ku nool magalaada Moqdisho,waana sababta keenta in la naco ama la dhibsado kuwa Moqdisho looga yaqaan “DANYUUSABARADA”