“Xasan Sheekh Saaxiibadiis iyo Qaraabadiisa ayuu Xilal ku safay”Waxay ka soo yeertay ama yiri Maxamed Axmed Kulalihi.

23434527Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhaxgalay baarlamanka dowladda Federaalka kadib markii golaha wasirada iyo ku xigeenadooda lagu qadiyay beelo aan laba soo hadal qaadin.

Xildhibaanno baarlamanka katirsan ayaa sheegay in xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud uu iskusoo koobay jagooyinka ugu  muhiimsan ee DF-ka arrinkaasina uu muujinayo in musuq maasuq jiro.

Maxamed Axmed Kulalihi oo xubin baarlamaanka cusub ayaa ku qeyla dhaamiyay in Xisbiga PPD uu ku tixay wasiir ku xigeenno iyo shaqaalaha madaxtooyada, “Madaxweynaha iyo qaraabadiisa ayaa isku koobay xilalka ugu muhiimsan ee dowladda haddii  sidaan wax kusii socdaan dowladdu way dhacaysaa”ayuu yiri Kulalihi.

Dhinaca kale howl-wadeenno ka shaqeyn jiray madaxtooyada xilligii shariif Sheekh Axmed ayaa laga eryay madaxtooyada waxana laga shaqaaleysiiyay dad ay saaxiiba ahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyaha Dowladda Federaalka.

Banaadir Post.

23253022