الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!Maalmo aan sidaa usii fogeyn waxaa indhaha dadka Soomaalida ah ee sida aadka ah ugu xiran mareegaha la daawado amase la akhristo soo jiitay farshaxan gacmeed sawir oo uu soo bandhigay Farshaxanlaha (Cartoonist),Amiin Caamir oo badanaaba ku soo bandhiga aragtidiisa siyaasadeed amase fahamkiisa nooca sawirka luuqadda ee loo yaqaan (Satirical drawing),taasoo xambaarsan sawir kaamila oo koobaya mandiq macno weyn xambaarsan. Caamir, sawir gacmeedyo badan oo uu soo bandhigo kuma raacsani mana aha kuwa xaqiiqda dhabta ah ka tarjumaya, laakiin waa basharoo qayb ka mid ah sawirradiisa waxay u muuqdaan kuwo xambaarsan tarjumaad siyaasadeed oo lagu soo koobay hal baal ama hal sawir.
Caamir isagoo taabanaya xaqiiqda ka jirta Kenya iyo sida aay ugu fekerayaan Keenyaatiga madowga ahi welibana aan filayo inay u badan yihiin kuwa gaalada ah, ayuu wuxuu soo bandhigay sawir muujinaya, sida aay mar u filayaan Kenyaatigu inay boobaan amase xalaalaystaan xoolaha iyo hantida maguurtada ah ee Soomaalidu ku leedahay dalka Kenya, iyagoo weliba ah ”Gardarro Garab og” dareensanna siyaasadaha aay qaadanayso dowladoodu, taasoo farriin iyo tilmaan u ah inay boobi karaan xoolaha Soomaalida, iyadoo sabab looga dhigayo inay Soomaalidu tahay dad aan wanaagsaneyn qas iyo wareerna ku haya carrigga Kenya, ka dib markay soo gubeen dalkoodii. Baaqaasi waa mid xambaarsan macno aad u weyn, laakiin Soomaali badan oo aan marnaba taariikhda dib u eegin ayaa ku dagmaysa
Sawirku wuxuu bixinayey farriin ah in nin Keenyaan ah oo wata Baangad uu hor fadhiyey dukaan nin Soomaali ah leeyahay goor subax ah oo ahayd xilligga ugu horeeya ee shaqada la soo galo, ninkii dukaan lahaa baa dhowr jeer la kulmay ninka Baangadda wata ee subax walba fadhiya kadinka dukaanka, ninkii dukaanka lahaa wuxuu is weydiiyey in ninkaani shaqo doon yahay, oo wuxuu yiri adeer ma shaqaad rabtay waadiga subax walba dukaanka hortaagane? Jawaabtii ka soo baxaday ninkii Keenyaatiga ahaa waxay noqotay mid ka yaabisay mulkiilihii, waxayna noqotay, maya shaqo doon maahi, laakiin waxaan rabaa inaan dukaankan la iiga hormarin markaad qaxdid oo aad dalka ka tagtid. Jawaabtaas mulkiilihii dukaanku ma filayn, laakiin waa mid sax u ego o maanta taagan.
Taariikhdu waa been ma sheegto bal aan dib u jaleecno wixii dhacay dhammaadkii 1980aadkii, markii Soomaalida lagu soo saarey masaafurintii loo masaafuriyey Soomaaliya iyadoo la dhacayo hantidooda, waliba la aamin sanyahay inay ka dambeeyeen dad Soomaali ku hadlo oo uu ka mid yahay ninka hadda Wasiirka Gaashaandhigga maqaarsaar ahaanta, u ah, lana yiraahdoMaxamed Yuusuf Xaaji, oo u muuqda mid weligii meel ceebeed soo taagnaa. Mashruucani wuxuu ahaa mid dad badan oo Soomaali ah hanti badanna ku leh Kenya la qabqabtay dalkana laga saarey iyada oo aan illaa hadda la is weydiin, dhibaatooyinkii loo geystay dadkaas Muslimiinta ah.
In ummadi meel iska degto lana dhaco oo la masaafuriyo maaha wax xilliggaa bilowday, oo waxaa iyana dhacday in dalka Ugaanda xilliggii uu dalka ka talinayey Iidi Amiin Dada, 1970aadkii la masaafuriyey dad asalkoodu u badnaaMuslimiin kana soo jeeday Asia, Hindi iyo Bakistan, ka dib markii dowladdu amar ku bixisay inay dalka ka baxaan lana xaddiday hantida aay qaadan karaan, dadkaasi waxay ahaayeen kuwa gacanta ku hayay hantidii ugu badneyd ee dalka taalay. 1991kii mar aan joogay Uganda waxaa lay tusay warshadihii iyo halbowlayaashii ganacsiga ee aay gacanta ku hayeen dadkaa Asianka ah ee la boobay, hantidaasi raadkeedu wuxuu yaalay inta u dhaxaysay Kambala iyo Jiinja, oo ah magaalooyinka uga waaweyn dalka Uganda. Hadafka qoraalkani maaheyn taariikh dheer oo aan uga sheekaynayo dhacdadan, laakiin waxay iga tahay iftiimin inay macquul tahay in mar walba ummad daggan oo dalal shisheeye ugxantooda ku aasa aay suuragal tahay in maalin uun la qaniimeysto, maadaama loo arko nin laaji ah oo aan lahayn xaquuqdii aas-aasiga ahayd ee wadanigu leeyahay.
Soomaalida Kenya, ha ahaato kuwa deggan dhulka la gumaysto ee Waqooyi Bari amase kuwa deggan dhulka madowgu leeyahay midna xuquuq aas-aasi ah ma lahan, waxaana markhaati kuugu filan, laba dhacdo ayaa Kenya ka dhacday todobaadyadii la soo dhaafay, waxayna kala aahaayeen sidatan:
Dagaal baa wuxuu ka dhacay gobolka la yiraahdo Rift Valley, oo aay degaan qowmiyadda loo yaqaan Turkana, oo ka mid ah qowmiyadaha dega Waqooyi Galbeedka ee dalka Kenya. Halkaa waxaa dhawaan isku farasaarey ciidamdda amniga Kenya iyo qaybo ka mid dadka degaanka, wararku waxay sheegayaan inay halkaas ku naf waayeen tiro gaareysa Afartameeyo (40), ka mid ah ciidamada amniga Kenya, ma dhicin in magaalo inta la soo galay dadkii la xasuuqo, amase la gubo suuqii Farasmagaalaha, isla markaasna la fara xumeeyo gabdhihii dalka. Laakiin su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay, maxaa ka dhacay Gaarisa, oo iyana ka mid ah dhulka Kenya nidaamkeeda hoos jooga? Waxaa dhacday in Saddex askari aay dilaan koox aan illaa iminka la garan cidday ka tirsan yihiin, laakiin la tuhunsan yahay inay Al-Shabaab ka mid yihiin, warkaasoo aan sal iyo raad toona la hayn, laba arrimood dartood, tan hore Shabaab ma qarsoona in dagaal kala dhexeeya Kenya oo ku duusahay dhulka Soomaalida, taasi waxay muujinaysaa in dagaalkoodu yahay mid muuqda, Shabaabna inay sheegato wixii jab ah oo aay u gaysato Ciidamadda Kenya ma inkirteen, midda kale, Shabaab ma qarshaan mana inkiraan wixii fal oo aay u geystaan cadowga aay is hayaan haddii kunna xanaaqayso kunna qoslayso.
Taasi waxay meesha ka saareysaa in Al-shabaab ka dambeeeyaan falkaas, laakiin uu yahay nacayb aay dadku u qabaan gaalo madowda Kenya. Ciidamadda Kenya waxay si aan loo aabbe yeelin u duqeeyeen magaaladdii aay ku hadaaqi jireen inay amnigeeda ilaalinayaan, weliba ciidammaddii loogu tala galay inay dalka cadowga dibadda ka daafacayaan ayaa gubay Suuqii magaalada ugu weynaa, dadkiina laayey, dumarkiina faraxumeeyey, ilaa aay ku adkaatay inuu ka jawaabo kan Qowsaarka ah ee Gaashaandhigga ugu magacaaban cidda bixisay amarka falkaan lagu sameeyey, deegaankan oo ah deegaanka isaga laga soo doorto.
Maxay ku kala duwan yihiin Waqooyi Bari Kenya iyo Waqooyi Galbeed Kenya?
Hadda iyo dan waxaan qoraalkaan ku soo gaabinayaa, waxaa hadda ka hor sheeko dhex martay, nin iyo dadqal, kaasoo maantiina dad ah habeenkiina bahal noqda. Waxay noqdeen deris, dadqalkii baa ninkii u yimi kuna yiri ninyahow meeshaan isaga guur carruurtaa dadka looga qashaaye, ninkii waa ka dhega adaygay taladii dadqalka, habeenkii buu u soo dhacay oo wiilkii reerka u weynaa ka qaatay. Subixii baa lays arkay oo lays wareystay, dadqalkii wuxuu ninkii ku yiri ninyahow shalay waad tala xumayd, xalayna waad orod xumayd maantana waad aragti xuntahay ee meesha isaga guur, ninkii wuu dareemay hadalkaii dadqalka, galabtii buuna reerkii caynka hoosta ka geliyey oo reerkii raray, si inta carruurta u hartay aay ugu badbaaddo, hadda iyo dan Soomaalaay badbaadsada inta aad wax gacanta ku haysataan oo ka tashada hantida aad Kenya faraha ka saarteen, haddii kale maalin kale ayaad ka sheekayn doontaan, idinkoon talo iyo tabar midna gacanta ku hayn.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين
Wa Billahi Towfiiq
Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan).
Banaadir Post.