Sheekh Umalow Nin Gurigaaga Kuugu Yimid Kiisa Kuguma Dhaafo.

23413281Dalka Kenya ayaa waxaa caado ka ah in dhibaato loogu geysto dadka muslimiinta ah mar walboo uu soo dhawaado waqtiga doorashada.

Ciidamada wadankaasi iyo shacabkooda gaalada ah ayaa bishii lasoo dhaafay dhac ka geystay suuqa Islii ee Soomaalida, kadib marki uu halkaasi ka dhacay qarax khasaare geystay oo la tuhunsanyahay in iyagu ka dambeeyaan, si ay u xalaashadaan hantida muslimiinta.

Dhacdadaasi iyo kuwa lamid ah oo ka dhacay Kenya iyo dhulka Soomaalida ayaa waxay walwal xooggan ku beereen ganacsatada ugu tunka weyn Soomaalida ku dhaqan magaalada Nayroobi, kuwaasoo uu kamid yahay Sheekh Maxamad Cabdi Umal.

Sheekh Umal oo maalintii shalay jeediyay kalimad ku aadan arintaasi ayaa waxa uu ku baaqay in laga hor tago falalka amni darrada ah ee keenaya in la boobo ganacsatada, laguna tunto goobaha cibaadada.

Wadiiqadda arintaasi loo mari karo ayuu Sheekhu ku tilmaamay in dhaqaale la bixiyo, nafta oo la huro iyo in doorashada dimuqraadiga ah laga qeyb galo.

Wuxuu arintaasi ku tilmaamay waajib sharci ah, waliba waxaa haboon buu yiri’ “haddey laba gaal tartanto in aan ka doorano kan maslaxadda inoo haya”.

Arintaasi jawaabteeda waxaa ku haboon dadka culimada ah, laakin anigu waxaan is dul taagayaa mas’alada ah maxaa keenay in Sheekh Umal oo ka damqan waayay qabsashadii Kismaayo uu hadda ka walaaco dhibaatada ka taagan Nayroobi?.

Sheekhu ma wuxuu jecleystay Kismaayo iyo Muqdisho oo holcaya in ay horumarto magaalada Nayroobi?

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nabar aad filaneysay naxdin ma laha” anigu waan filanayay in mar un Kenyaatigu boobayaan ganacsiga faraha badan ee ay Soomaalidu geeyeen magaalada Nayroobi, maadaama ay haddaba xoog ku qaataan dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda Kismaayo, horeyna u qabsadeen NFD.

Maanta ma dhici kartaa in Yahuudu ay nabad galiyaan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool dhulka ay xoogga ku heystaan? Dabcan jawaabtu waa maya.

Waxaan qabaa in dadka Soomaalidu fursad fiican u heystaan in ay hantidooda badbaadsadaan ka hor inta aaney gaaladu boobin.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ka xumahay in dadkii ummada u hor kici lahaa wadada badbaadada ay ku hagaan jid halis ku ah Aakhiro iyo Aduunyo intaba.

Ma wuxuu sheekhu hilmaamay hadalkii Moy ee ahaa “annaga iyo Itoobiya waxaan ku heshiinay inaaney mar dambe dowlad ka dhalan Soomaaliya noocey doontaba”?

Qof walba oo nabad iyo horumar ka sugaya Kenya isagoo ku nool dalkeeda waxaa cibro ugu filan kufsiga, burburinta dhaqaale iyo dilka ay Kenyaatigu ka geysanayaan dalka hooyo?.

Ugu dambeuntii waxaan dhihi  oran lahaa “Sheekh Umalow Nin Gurigaaga Kugu dilaya Kiisa Kuguma Dhaafo”.

Banaadir Post.

2275789022999860