Gabar Soomaliyeed oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Maxamuud ayaa arbacadii aan soo dhaafnay oo ay taariikhdu ku beegneyd 2012-12-12 waxa kaniisad ku taala magaaladda Nyköping ee dalka Sweden ku guursaday nin swedish gaal ah kaasoo gacanta u saaray kitaabka BIBLE-ka
Gabadhana iyo odaygan ayaa la sheegay inay wada noolaayeen mudo 12 sanadood inta aaney is guursan, waxaana ay guurkooda ku soo beegeen taariikh isku aadan oo ahayd 2012-12-12.
Dadka Soomaaliyeed ee daawaday muuqaalkan ayaa aad ula yaabay sida dhaqanka gabdhaha soomaaliyeed waayadaan uu isu soo badalayey gaar ahaan markii dibadda la yimid, waxaana taas eedeeda loo saarayaa dagaaladda daba dheeraaday ee dadka Soomaaliyeed baday qaxootiga iyo nolol aan u qalmin.
Dastuurka loo sameeyay dalka Somaliyeed oo dadka Moqdisho ku nool ugu yeeraan DASTUURKA MAHIIGA ayaa qoraya in ummadaha la is dhexgaliyo iyada oo aan loo fiirin Diin iyo jinsi oo macnheedo yahay in laba is guursan karaan dumarkana sidoo kale .
Banaadir Post.