الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
Geeska Afrika waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan ee ay ka taagan yihiin halganka ka dhaxeeya Muslimiinta iyo Gaalada tan iyo Qarniyo hore.
Nasaarada Xabashida ah iyo Aqaliyaadka Tikreega ayaa waxa ay halgan dheer u soo mareen in ay qabsadaaan dhamaan dhulka Bilaadul- Hijrateyn oo ay ka dhisneyd Dowlad islaami ah waqtiyo badan.
Diinta islaamka oo waqti hore soo gaartay Bilaadul- Hijrateyn ayaa waxa ay ku fiday si anaan Dagaal aheyn, taasi oo dhalisay in dad badan oo Cawaan ahaa ay ku qancaan Diinta islaamka.
Inta badan Qaarada afrika waxa ay noqotay meesha ugu badan ee ay si dardar leh ugu fido Diinta islaamku ilaa ay gaarto heer la dhaho (Qaarada muslimiinta).
Gaaladii Qarnigii lix iyo Tonaad ee Taariikhda Maalidiga oo ay Awood badnayd Dowlada Burtuqiiska ayaa waxa ay weerar ku soo qaaday Dadka muslimiinta ,iyadoo dhanka kale taageero u fidinjirtay gaalada ku nooleyd Qaarada Afrika oo ay ugu horeeyeen Xabashida Amraaxada ah.
Qarnigii 6 aad ee hijriyada ayaa waxa Bilowday Dagaalka u dhaxeeya Muslimiinta iyo Gaalada ku sugneyd Bilaad Al-hijrateyn, kaasi oo noqday markii danbe mid u dhaxeeya caalamka Islaamka iyo Gaalada.
Muslimiinta ku noola Bariga Afrika oo lahaa Imaarado Islaami ah ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ku nool Amni iyo raaxo, mana jirin wax dagaalo ah oo soo wajahay marka laga reebo imaarada Ifaat oo dagaal weyn la gashay boqortooyadii Suleymaaniyada.
Muslimiinta ayaa waxa ay Caan ku ahaayeen Ganacsiga iyaga oo u safri jiray qaaradaha kala duwan ee caalamka ka tirsan taasi oo sabab u noqotay in Diinta islaamka ay gaarto Bariga iyo Galbeedka Caalamka .
Axmad Ibraahim oo ku magacdheeraa (Axmad gurey ) waxa uu ka mid ahaa dadka ku nool imaarada Islaamiga ah ee Ifaat taasi oo dagaal kula jirtay Gaalada Amxaarada , waxa uuna Dagaalo ba’an la galay Xabashida Nasaarada ah.
Axmad gurey oo hogaaminayay Dadka Muslimiinta ah waxa uu ka guuleystay Gaalada, taasi oo Gaalada Caalamka ku dhalisay cabsi ah in Muslimiinta ay burburin doonan Kaniisadda ugu weyn Qaarada afrika ee ku taal Adis-Ababa .
Amxaarada ayaa waxa ay u habar wacatay Gaaladii burtuqiiska ,waxaana ay u soo direen Nin lagu magacaabo Karishtoofer digaame oo uu dhalay fasko digaamihii weerarka ku soo qaaday Magaalada Muqdisho ka dib markii uuhindiya tagay ,isaga oo raadinaya Caalam cusub .
Ha yeeshe markii uu yimid Goobta dagaalka oo aheyd Imaarada Ifaat dhulka ay ka talineysay ayaa waxa uu ku halaagsamay Gacanta Muslimiiinta Mujaahidiinta ah.
Musliminta ayaa iyagana dhankooda waxa ay ahaayeen dad isku gurmada islamarkaana iska warqaba, waxaana Rag badan oo Muhaajiriin ah ay ku sugnaayeen Bilaadul Hijrateyn iyaga oo ka qeyb qadanaya Dagaalka u dhaxeeya Gaalada iyo Muslimiinta.
Sanadkii 1884 kii wadamada gumeystayaasha Reer Yurub ayaa waxa ay shir ku yeesheen Magaalada Berlin ee wadanka Jarmalka iyaga oo ku qeybsaday Wadamada Qaaradda Afrika ku yaalla.
Xabashida ayaa waxa ay qeyb ka ahayd wadamada u sacyinayay in ay gumeystaan Soomaaliya oo ay gebi ahaanba u Gacan gasho.
Xabashida ayaa waxa ay damacsaneyd in ay Gacanta ku dhigto xeebta dheer ee ku hareereysan Soomaaliya ,hase yeeshee Boqorkii ka talinayay Abasiiniya oo Maanta loo bixiyay Itoobiya ninka lagu magacaabo Mililiq ayaa waxa uu gacanta ku dhigay Caasimadii Imaarada ee Harar ,isaga oo halkaa ka geystay dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay in Masjidkii weynaa ee Harar uu u badalay Kaniisad iyo meel lagu tunto.
Sanadkii 1960kii oo labo ka mid ah Shan qeybood oo gumeystuhu Soomaaliya horay ugu qeybiyay laba ka mid ahi Xornimada ka qaateen Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa waxa shir lagu qabtay Xarunta waxa loogu yeero Qaramada midoobay waxaana halkaa ka hadlay Xeyle Selaase oo ahaa Boqorkii Itooobiya.
waxa uu sheegay in wax Soomali la yiraahdo aysan jirin dadka Soomaalidana ay yihiin dad reer guuraa ah kana tirsan dadka Daga Dhulka Xabashida ay xooga ku heysato ee Bilaadul-Hirjateyn.
Xabashida ayaa waxa ay sidoo kale weerar kale ku soo qaadey Soomliya lixdameyadii.
balse maxaa qabsaday? !
Dowladdii Soomaaliya ka jirtay oo aad u Tabar yareyd ayaa waxa ay ka hortagtay weerarka ay Xabashida ku soo qaaday dalka ,waxayna darsi lama iloobaan ah u dhigtay Xabashida hororka u aheyd boobka dhulka Soomaaliya,waxaana Xabashida lagu celiyay gudaha dhulka ay xooga ku heysato ee Soomaali Galbeed.
Dhanka kale Dowladda Ingiriiska oo xanaaqsan , Gobalada Waqooyi ee Gacanteeda ka baxay ayaa Dhulkii Soomaali Galbeed siisay Xabashida ,N.F.D na u Gacan gelisay Gaalada Kenya.
Sanadii 1977 dii ayaa waxaa dhacay Dagaal kii ugu xooganaa ee xabashi lala galo tan iyo Xilligii Axmad Gurey .
Dowladdii uu Madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre ayaa waxa ay weerar ku qaaday Xabashida lagu deegaameeyay dhulalkii Muslimiinta Geeska Afrika ay ku noolaayeen .
Kadib dagaalo lagu hoobtay , Ciidamadii Soomaaliya waxaa u suuro gashay in ay gaaraan Meel aan sidaas uga fogeyn Caasimada Itoobiya ee Adis-Ababa iyadoo Ciidamadii Itoobiya la gaarsiiyay Hoog iyo Jab aad u daran .
In kastoo Dagaalka uusan aheyn mid Jihaad ah ayaa hadana dadka Soomaalida waxa ay u dagaalamayeen Qowmiyad iyo wadaninimo , taasi oo dhiiri gelin badan siisay Ciidanka Soomaaliya in ay difaacan Dhulkooda .
Dagaalka oo cusladay iyo Dowladaha Gaalada oo Dagaalka soo galay ayaa Ciidamadii Soomaaliya waxa ay ka soo baxeen Dagaalka iyaga oo halkaasi kaga soo tegay hub fara badan iyo Dhaawaca Ciidankooda maadaamada Dayuuradaha Kuuba iyo Ruushka ay bilaabeen in ay duqeeyaan Ciidanka Soomaaliya .
Inkastoo Jab xooganu Xabashida gaaray hadana ma aysan harsan, waxayna sii labo jibaartey mu’aamaraadka ka dhanka ah dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed illaa ay ka dhacdo dowladii Shuuciyada ee Soomaaliya.
Sanadkii 1991 dii markii ay dhacday Xukuumaddii uu hogaaminayey Max’ed Siyad Barre, Itoobiya waxa ay dadaal ugashay sidii Soomaaliya loo burburin lahaa loona qeybin lahaa ,iyada oo waxii hub ahaa gaar ahaan Miinooyinka iyo Anti-Tangiga,xittaa Manhajkii wasaaradda Waxbarashada ka daad gureysay Soomaaliya.
Ra’iisul wasarihii Itoobiya ee dunida ka guuray Minles Senaawe ayaa waxa uu ahaa dhagar qabaha ugu weyn ee Soomaaliya sida tan u galay, kadib markii uu u adeegsaday wax kasta oo burburin kara Soomaaliya.
Waxa uu wadanka ku sameystay Qab-qablayaal Dagaal, isaga oo Baasaboorka Soomaaliya ka mamnuucay in loogu safro Caalamka ,kan Itoobiyana ku qasbay Soomaalida in ay qaataan, taasi oo muujisay heerka uu gaarsiisanyahay Gumeysiga ay Xabashida iyo Tigreegu la rabaan Soomaaiya.
Sanadkii 2006 dii markii Soomaaliya ay ka hanaqaadeen Maxkamadihii Islaamka ,Dowladda Itoobiya waxa ay weerar ku soo qaaday hanaqaadkii ku saleysnaa ku dhaqanka shareecada islaamka ,waxaana ay gudaha u soo gashay Soomaaliya iyada oo wadata Gawaarida Dagaalka ee Birta culus ee uu ku jiro Tangiga ay Gaalada ku faanan ,maadaama Wadanka laga Xaalufiyay wax kasta oo lid ku ah ama qarxin kara Tangiga.
Waxa ay Meesha ka saareen Maamulkii Shareecada Islaamka waxaana ay soo gaareen Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, islamarkaana waxa ay xasuuqeen kumanaan ka tirsan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa Muqdisho iyo Gobolada kale ee koonfurta Soomaaliya .
Dagaallo culus oo lagu baabi’iay Xabashida kana dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sanadkii 2009 kii Xabashida Itoobiya waxa ay dharaar cad ka lugeysay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ,iyaga oo lug ku gaaray dhulka ay gumeystaan ee soomaali Galbeed.
Kadib Waqti aan aad u badnayn Itoobiya oo isla ahdaafteedii hore ee ahayd Burburinta ku dhaqanka shareecada Islaamka u socota ayaa soo gashey qaar kamid ah Wilaayaadka islaamiga ah ee Soomaaliya.
Waxa ay kufsadeen dumaarkii iyaga oo Masaajidda qaar u badalay Kaniisado taasi oo daliil cad u ah Cadawtooyada xabashida ay u qabto Muslimiinta iyo in ay Soomaaliya aalnimo ka hirgelin rabto, waxaana hada ay ku sugan tahay qaar kamid ah Caasimadaha wilaayaadka oo ay ka mid yihiin Beledweyne,Baydhabo,Garba- haareey ,Xudur iyo kuwa kale.
Iyada oo ay intaa jirto ayaa hadana dadka Soomaaliyeed qaarkood waxa ay dagaal kula jiraan xabashida,waxaana Mujaahidiinta Soomaaliya ee Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ay qaadatey Taatiko Dagaal oo ay illaa iyo hadda ku wareersanyihiin Dowladaha Duulaanka kusoo qaadey Soomaaliya.
Wixii aan Khalday waxay ka ahaatey Nafteyda, Sheydaan iyo Cilmi yarideyda, wixii aan saxayna waxay ka ahaatey Allah Cazza Wajalla.
W/Q : Waliid ibraahim maxamed