Dalka Soomaaliya waxaa ku sugan kumanaan ciidamo shisheeye ah oo duulaan garadarro ku jooga, waxaa kale oo dalka horay ugu soo duulay ciidamo shisheeye oo kuwa hada jooga ka horeeyay.
Ciidamadaasi waxaa ay ugu dambeyntii ku jabeen dagaalka xaq darrada ah ee ay ku soo qaadeen Soomaaliya waxaana ay dalka isaga bexeen iyaga oo wata maydad naxashyo ku jira askar dhaawac ah iyo gaadiid bur buray, waxaana dalka isugu soo haray Muslimiinta Soomaaliya oo iayaga iyo diintoodaba lagu soo duulay balantuna ahayd in la baabi`iyo inkastoo Allaah SWT diiday.
Hadaba Ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya xillgan islamarkaana dagaalka iyo colaadda kawada geyigan maxay kaga duwanyihiin gulufkii gardarro ee geesaha ku belay Soomaaliya ee Mareykanka iyo Itoobiya, maxaysa ka badali karaan taariiqda dagaal ee Soomaaliya?
Inta aanana jawaabta su`aashaasi u galin waxay ciidamada shisheeye ee dagaalka ka wada Soomaaliya iyo saaxiibadooda luuqadda Soomaaliga ahiba mudanyihiin inay dib u eegaan buugaagta waxna kabartaan saaxiibadoodii ka horeeyay si aanay ugu hooban haadaan aanay ka soo bixi kariin.
Ciidamaa shisheeye iyo ciidamada ku magacaaban ciidamada Dowladda Federaalka, balse u dhaqma sida maleeshiyaadka waxaa iska cad inaanay wax niyad ah u hayn dagaalka ay wadaan islamarkaana aanay uga degsaneyn wax Straatiijiyad ah oo ku wajahan isbadallada iman kara.
Sidaasi darteed tuulo iyo magaalo la qabsado ama wadooyi cidlo ah oo lagu socdaalo waxaa iska cad culiamda dagaalkuna isku waafaqsanyihiin inaanay ahayn guul ama horumar Militari oo laga gaaray cadow kaa soo horjeeday.
Waxaana militarigu qiimayntiisa ugu weyn ku eegaa 2 arrimood oo maanta ciidamada shisheeye uga foga inta cirku naga fogyahay.
Waa mida koowaade waa in cadowga la baabi`iyo awooddiisa, ciidamadiisa la kala diro dhaawacoodana la dhamaystiro, hubkiisa lala wareego madaxdoodana la dilo, arinkaasi oo aan weli shisheeyaha diiwaanka loogu qorin.
Arinka labaad ayaa ah in Cadowga laga baabi`iyo dhanka Dhaqaalaha, macnawiyaatka ciidanka, dhaq dhaqaaqiisa la xayiro deegaanno koobanna lagu go`doomiyo, markaasi kadibna gor gortan lagula galo inay isa soo dhiibaan amaba cagta la mariyo, sidoo kale taasi weli waa mid aan diiwaanka lagu qorin.
Labadaasi qodob ee aan tilmaamay waxaa lagu sheegaa qodobada ugu aas aasisan ee loo cuskado jabka ciidankan islamarkaana sawirka dhabta ah ka bixinaya jiritaanka iyo baaba`a ciidan dowladeed amaba mid Jabhad ah oo aan nidaami ahayn.
Marka aan isla qodobadaasi ku laabanno waxaa Culimada Militarigu sidoo kale isku waafaqsanyihiin in haddii ciidan nidaami ah oo qaab dowladeed ama isbahaysi xoog badan ku howlgalaya sida hadaba shisheeyuhu u dhisanyihiin uu dagaal kula jiro Rijaalul Cisaabaad amaba Jabhad dagaal, islamarkaana uu isku faafiiyo dhul weyn, ay natiijadu ugu dambeyn mudo yar gudaheed qasab ku noqon doonto ciidankii duulay inay dib u soo cararaan kuna soo uruuraan xeryihii ay ka soo duuleen iyaga oo aan wax natiijo ah ka gaarin duulaankoodii islamarkaana qasaare la daala dhacaya.
Dhanka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo horseedka ka ah dagaalka Jihaadka ah ee shisheeyaha lagula jiro waxaa ay ka madax bannaanyihiin islamarkaana ka hufanyihiin qodobada aan soo sheegnay.
Dagaalka ayay qaadaan xilligii ay rabaan meeshii ay rabaanna way weeraraan iyaga oo u maraya wadada ay rabaan, hubkoodii ayay gacanta ku hasytaan, dhaqaalihii Allaah u qoray ayay gacanta ku haystaan, madaxdoodii ayaa baaqi ah inkastoo aan jihaadku istish-haadka amiir ama qof camalka ka tagayba ku xirnayn.
Haddaba ciidamada shisheeye ee ku duulay Jowhar amaba deegaanada la midka ah ee Sh/hoose waxaa muuqata inay iska oofinayaan ballan ay la galeen Mareykanka iyo Nato oo lacago farabadan ku qubay shisheeyaha oo ay ugu talo galeen inay ku adeegtaan islamarkaana ku badbaadiyaan dhiigga askartooda jaho wareersan ee ku soo fashilmay Afghanstaan iyo Ciraaq.
Waxaana qaladka Militari ee Shisheeyuhu maalin waliba ku dhacayaan natiijadiisu ay u muuqataa BEER AAN MIRO DHALI DOONIN laakiin qarash maalin waliba lagu bixinayo.
Duulaanka Ciidamdada shisheeye ayaa ah mid indho la`aan ah oo aan wax natiijo ahi ka soo muuqan, waxaana askartoodu ay maalin waliba si micno darro ah ugu dhimanayaan wadooyinka howdka ah ee mara wilaayaatka Sh/hoose iyo Sh/dhexe iyadoona Mujaahidiintu intay diba mareen ku kifaaxayaan goobihii ay shisheeyuhu ka soo duuleen ee Xamar iyo hareerihiisa.
WQ: Kumaad Yare.