Qaarka mid ah dadka Soomaaliyeed eek u dhaqnaa Magaalada Neyroobi ee Xarunta Dalka Kenya gaar ahaana Xaafadda Islii ayaa bilaabay in ay ay u soo noqdaan Dalkooda Soomaaliya sababa la Xariira Naftooda oo ay u baqayaan.
Goobaha tikidhada diyaaradaha laga goosto ayaa lagu waramayaa in ay aad Mashquul u yihiiny oo lagu arkayo dad badan oo u diyaar garoobaya ina y Soomaaliya soo aadaan kuwana waxaa lagu waramay in ay soo abxeen.
Haweenay ka mid ah Soomaalida Islii ku dhaqan ayaa Idaacadda Islaamiga ahe e Alfurqaan u sheegtay in goobaha Ganacsi ee Islii badnakood Albaabada loo xiray iyadoo laga casi qabo weeraro askarta Kenya kaga yimaada.
Waxa ay tilmaantay in ay soo dhawdahay waxa ay Gaaladu ugu yeeraan Ciidda Kirismiska lana filayo in askarta Kenya Xaafaddaas howl galo ay ka fuliyaan oo ay dad badan Xabsiyada u dhaadhaciyaan.
Qaraxyo badan ayaa Xaafaddaas ka dhacay kuwaasoo lala beegsaday askarta Kenya, Meelo lagu Caweeyo iyo Kaniisado taasina waxa ay Keentay in Kenyaatgu marka ay wax dhacaan tilmaamo in Soomaalidu ka dambeyso.
Dhageyso Codka gabar Islii ku sugan.
Qaraxii ugu dambeeyay ee habeeno ka hor Islii ka dhacay waxa ku dhimatay saddax ruux waxaana ku dhaawacmay 15 uu ku jiro Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ah Soomaalida Kenya Gumeysato iminkana Baarlamaankeeda ka mid ah.
XIGASHO RADIO ALFURQAAN.