Waxaa hore u yimid dhulka Somaiyeed ciidamo aad ubadan oo hogaan u ahaa Maraykanka iyo xulafidiisa from March 1993 until March 1995, waxayna ka baxeen iyagoo tacadiyo badan ka gaystay gayiga Somaliyeed,hadana daalan oo dulaysan.
Waxaa xigay Amisom oo ah kuwan maanta jirdilka iyo bahdilka shacabka Somaliyeed oo la daalo dhacaya dhibka dagaalada dabada dheeraday gaarsiyeen.
Amisom ayaa markan gaartay meel walba oo UNISOM gaartay walow meelo yar u harsan yihiin.
Dadla socda xaaladaha Somalia ayaa sheegaya in la joogo waqtigii dhibka u badan gaari lahaa ciidan ahaan iyo dhaqalaba.
Magaalada Jowhar ayaa gashay gacanta cadawga shisheeye iyo maleeshiyo beeleed lasocda, waxaana dadka lagu bilaabay jirdil iyo bahdil ay gaysanayaan iyo dhac iyo kufsi ay gaysanayaan maleeshiyo beeleedka oo hogaamiyo Dagaal-ooge Cabdi Jiinow oo ay qaraabo dhow yihiin ninkii bari dadka ku dhibi jiray Jowhar Maxamed dheere oo bishii hore ku dhintay Xerada ciidamada Amisom ay Xalane Moqdisho ku leeyihiin.
SAWIRKA AYAA KAGA FILAN INTA KALE.
Banaadir Post