Wuxuu maanta ka sharqamiyey arrin caadi ka ah isimada Puntland agtooda oo say iskaga aamusan yihiin markii dagaal dhaco la arko iyagoo kala ordaya! Jananku wuxuu sheegay in Puntland qaab qabiil lagu dhisay; aysanna jirin cid xoog wax ku maquunin karta. Wuxuu isimada ka codsaday inay soo xulaan ciddii u noqon lahayd xildhibaanno. Wuxuu sheegay haddii Faroole dhegaha ka fureysto arrintaas, sidoo kalana isimadu sidoodii caadiga ahayd iska lug dambeediyaan in wixii halkaas ka dhaca ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonto maamulka Faroole.
Kol hore wuxuu Faroole rabay in lagu doorto halheys ahaa: shidaal baan ka soo saarayaa Puntland! Taas waa lagu hungoobay dabadeedna waxaa Faroole jeebka kala soo baxay arrinta xisbiyo badan! Jananku waa sheegay in waxa xisbiyada ka dhawaajinaya yihiin dad ka agdhow Faroole ee aysan jirin cid reer Puntland ah oo xisbi furatay.
Halkan ka dhageyso hadalka Siyaasiga.
Si kasta oo ay ahaataba muran badan ayaa ka taagan xilliga rasmiga ah ee xafiiska madaxweynanimo ee Maamulka Puntland ay tahay inuu banneeyo Madaxweynaha hadda xilka haya ee C/raxmaan Faroole, iyadoo Faroole uu ku doodayo inuu kororsado muddo hal sano ah ayaa dhinaca kale waxaa jira siyaasiyiin badan oo u dhashay Maamulkaas, kuwaas oo diidan muddo kororsiga madaxweynaha.
Banaadir Post