Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa waxa ay xaqiijinayaan in saacidhii ugu dambeeyey uu ka dilaacey cudurka Shuban biyoodka cudurkaasi oo ka dilaacey Deegaano ka tirsan Degmadaasi.
Dadka ku dhaqan Degmada Afgooye ayaa hoosta ka xariiqey in isbitaalka guud ee degmada Afgooye uusan shaqeynin oo xiran yahay tan iyo marki Alshabaab baneeyeen degmadaasi oo wax adeeg caafimaad ahan aysan jirin.
Waxaa soo kordhaya dhibka ay dadka ku hayaan waxa loogu yeero hay’adaha gargaarka oo mudo dheer laga hortaagnaa inay ka howl galaan dhamaan koonfurta Somalia oo ah dhul barwaaqo sooran ah oo wax walba laga helo,waxaa mudo dheer dhulkan lagu arag waxa loo yaqaan macluul iyo shuban waxaana gacanta ku hayay XSHM oo weli ka howl gala dhulka intiisa badan dhibna uusan ka jirin.
Waxaa dhibaato dadka ku haya waxa loo yaaqaan ciidamo shisheeye iyo Maleeshiyo beleed aan naxariis lahayn,waxaana dadku la daala dhacayaan dhibkan mudo gaaban haya oo xalka lahayn.
Banaadir Post.