NINAAM QUUSAN ISAGAA QUUS AH!!!

بسم الله الرحمن الرحيم 

وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

 23197597

 Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Wakhtigu is bedeli okaa maalmuhuna wareegaysi badanaa, shalay iyo maantay kala duwanaa, Soomaalidu aragti gaabanaa, miisaankoodu fududaa, caqligooda damiinsanaa, dareenkooda liitee, go’aankoodu jilicsanaa, dulqaadkoodu yaraa, dadnimadoodu kala dhantaalanaa, hankoodu raqiisanaa, oo haddana iloowshiinyo dhawaa.

Sifooyinkaas oo kuligoodba ah sifooyin aan wanaagsanayn ayaa Soomaalida lagu arkay waayahaan dambe, marka laga reebo dad yar oo Alle (swt) u naxariistey mooyee, waxaan mararka qaarkood quus iska taagaa dadnimada Soomaalida, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ”Nimaan quusan isagaa quus ah”, kama wado in raxmaddii Alle laga quusto, laakiin dadka Soomaalida ahi ma aha dad macno weyn leh intaan anigu garaadsaday amase aan dab ka leexday, waxa ii muuqanaya inay yihiin dad laga helayo astaamahaa aan soo tilmaamay badankood.

Dad badan oo Soomaali ah aqoonna sheegta ayaad moodaa inayan qaangaar ahayn markay ka hadlayaan arrimaha siyaasadda iyo caskariyadda ee Bariga iyo Geeska Afrikaba. Waxay badankood ku hadaaqaan in wadammadda deriska ah oo weliba cadowtooyo soo jiitamaysay, dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta kala dhaxaysay, dhulyow badan oo dadku deggan yahayna gacanta ku haysta in aay doonayaan in Soomaaliya aay dowladi ka dhalato ama aay cagaheeda isku taagto, laakiin aay la dagaalamayaan kooxaha nabadda gobolka diiddan. Arrintaasi waa qiyaas iyo xisaabxumo aad u hoosaysa amase u liidata.

Markii Xabashidu soo gashay Baydhaba iyadoo gardaadinaysa dowladdii gacan ku rimiska ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf horgalaha ka ahaa ayaanu nin is wareysanay, waxaanuna iska wareysanay xaaladda dalka iyo Xabashidaan dalka soogashay, ninkaa waxaan ku tuhmayey aqoon diineed iyo mid maaddi labadaba, muxuuse ku jawaabay? Wuxuu yiri Xabashidu wax kale uma socota waxna ina yeelimaysee  Sheekh Xassan Daahir Aweys ayey doonaysaa inay qabato dabadeedn iska noqoto. Waxaan ku celiyey su, aal ah inuu waxuun ka yaqaan arrimaha caskariyadda amase dagaalka, wuxuu iigu jawaabay waxba kama aqaan arrimahaas. Waxaan iri ciidammadda soo galay Baydhaba kama yara ilaa dhowr gaas saan warka ku hayo waxaana ku baxaya kharash aan aaminsanahay inaan xataa Itoobiya awoodin markii loo eego masaafadda aay soo mareen sidaa darteed waxaasoo ciidan ah ama kharash ah miyaa Sheekh Xassan keligii lagu bixinayaa? Jawaab igama siin karin sababtoo ah jawaabtiisii hore ayaan miisaan caqli ah ku dhisneyn sidaa darteed su,aasha hore waxay jid fal u tahay kuwa dambe. Ninkii odaga ahaa kala tagnay anoo laqay in wax la barto aan caqli badan iyo dareen sare lagu yeelan karin, laakiin aay tahay dadnimada iyo wax garadnimaduba mid Alle(swt) baxsho.

Ninkii waxaanu ku kullanay meel looga hadlayay arrimihii aanu ka murannay kadib markii Xabashidu caasimaddii Muqdisho soo gashay, waxaan hubsaday inuu isagii yahay waana ii cadaatay, waxaan mar kale weydiiyey meeday Xabashidii Sheekh Xassan raadinaysay miyeyan weli helin mise Sheekhu haddaKismaayuu jiraa oo Xabashidu Kismaayeey u socotaa, hadalkaasi su,aal igama ahayn, laakiin  hadal digasho ah aan ku diganayo caqliga ku jira intuu le.eg yahay inaan dareensiiyo ayeey ahayd. Wuxuu yiri Xabashi xaalkeedu Sheekh Xassan ka weyn. Keligii maaha ilaa dhowr nin oo madax sheeganaya oo kan hadda Xamar joogaa ka mid yahay baa saxaafadda la soo taagan annaga iyo cadowgii Islaamka ee soo jireenka ahaa waanu heshiinay amase cadowgii hore maahan oo maanta waa gacal iyo xabiib.

Waxaa taariikhda lagu hayaa 1963kii markii aay xoroobeen dowladaha aay ka mid yihiin Kenya, Tanzaniya iyo Ugandha, layskuna yiraahdo waddamadaBariga Afrika (EAC), kana baxeen gacantii gumaysiga Ingiriiska, laakiin siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba weli ku xiran gumaysigii haysan jiray, ayaa waxaa casuumad u sameeyey madaxweynihii markaa Maraykanka xukumayey lana oran jirey John F. Kennedy, sababtoo ah Mareykanku wuxuu aaminsanaa inuu qayb lixaad leh ku lahaa xoreynta waddamadii Afrika, Asia iyo Koonfurta Ameerika ee ka xoroobay waddamaddii Yurub weliba kuwii ku guuleystay dagaalkii labaad ee Yurub iyo meelihii aay qabsadeen. Soomaaliya oo iyana gacanta gumaysiga ka baxday 1960kii saddex sanona ka horeysay waddamadaan ayaa iyana casuumadda qayb ka ahayd maadaama Kennedy aaminsanaa inaay Soomaaliya ka taliso dowlada rayid ah oo cod shacab ku timi. Shirkaa waxaa Soomaaliya uga qayb galay madaxii Golaha Wasiiradda lana oran jiray Cabdirishiid Cali Sharmaarke, waxaana dalka madaxweyne ka ahaaAaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), labadaba Allaha u naxariisto.

Waxaa la sheegaa in madaxdii dalalka uu Kennedy casuumay uu ku yiri maxaad dowladda Mareykanka ka codsnaysaan, wararka qaar ayaa sheegaya in Sharmaarke oo uu maankiisa ku jirtey in Soomaalida dhulal ka maqan yahiin oo aay kala haystaan Kenya iyo Itoobiya iyo Jabuuti oo m arkaa ku jirtay gacanta Faransiiska, jecleystayna inuu helo hub uu ku xoreeyo dhulalkaa. Sharmaarke jawaab toosa ma helin laakiin madaxda Mareykanku waxay is weydiiyeen cidda lagula daggaalamayo hubka uu Sharmaarke codsaday. Jawaabtu uma baahna in meel fog laga raadsho waana caddahay in lagula daggaalamayo waddamadda aay Soomaalidu dhulka ku tirsanayso, oo ah Kenya, Itoobiya iyo Faransiiska. Waddamadaasi waa kala muhiimsan yihiin Mareykanka Soomaaliya, waana waddamo aay isku Mabda’a iyo siyaasad ahaayeen Mareykanka. Jawaabtu waxay ku soo gabagabowday inaan hubkaa Sharmaarke helin.

Caradii uu la soo noqday Sharmaarke maadaama siyaasaddii uu u socday aay u muuqato mid guul darraysatay wuxuu ku soo hakaday dalka Masar oo uu markaa Madaxweyne ka ahaa Jamaal Cabdinasir, is wareysi dheer ka dib waxaa laysla gartay in siyaasad ahaan loo wareego xagga Bariga iyo Midowgii Sofiyeeti, oo markaa tartan siyaasadeed iyo mid caskariba kala dhexeeyey, kii reer Galbeedka ee Mareykanku hor boodayey.

Dad badan oo la aaminsan yahay inay u dhuun daloolaan siyaasadda Soomaalida ayaa waxay qabaan in xooggii ciidan ee aay dhaxashay dowladdii militarigu uu ahaa mid ka dhashay siyaasaddii aay qaateen dowladdii ka horeysay ee rayidka ahayd ka dib markii aay dammaanad kaalmo militari ka heshay siyaasaddii reer Bariga ee Midowga Sofiyeeti. Taasi  waxay horseed u noqotay in dowladihii Soomaaliyeed ee kala dambeeyey aay dagaal la galaan waddamaddii Gaalada ahaa ee dadka Soomaaliyeed gumaysanayey sida Xabashida, iyo welibaKenya oo lagu furay muran siyaasadeed, kaasoo dooddu ahayd dhulka Koonfur  Galbeed Soomaaliya, laakiin Gumaysiga Keenya u yaqaan Waqooyi Bari Kenya.

Waxaan taariikhdaan uga sheekaynayaa inaan cidna ku hamiyin in Soomaaliya lala doonayo in dowlad xor oo aan Geed-saar ahayn laga dhisayo, taasoo sahli karta in mar walba Soomaalidu dagaal ku qaaddo dalalka gumaysta, Itoobiya iyo Keenya, qaybaha kale ee Soomaalida, ciidamadaan gaalo madowda ah kharashka badana lagu baxsho waxay u joogaan in aan Soomaalidu marna fursad u helin in aay tashato oo aay doortaan wax aay iyagu rabaan,waxaa intaa dheer waxay difaac rasmi ah u yihiin wadammada aan xusay, waxaa intaa dheer oo ka sii weyn inay la daggaalamayaan in dhulka lagu oogo Xukunka Alle, nin og iyo nimaan ogaynba.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)

 Banaadir Post

News From Somalia.