Hagbad, shaloongo ama ayuuto magaca aad doontaba ugu yeer waa un lacag ururtay oo leysku darsaday isla markaana iyada oo kuusan uu hal qof qaato, taas oo aan cid kale kala dhaxeyne uu danihiisa gaarka ah uu ku fushado door wareegeedana ay inta badan dumarku xeer wadaag ku yihiin.
waxaase iminka soo muuqanaya dhaqan aan ugu magac dari karno hagbadda
ama ayuutada mudanayaasha gaar ahaan xildhbaannada qurba juugta ah qaarkood!.
Tooshku wuxuu ifinayaa xildhibaanada lagu soo xulay qaab beeleedka ee aan ku imaanin codka shacabka hab dhismeedkoodu inuu ahaa yididiilo cusub oo rajo wanaagsan laga filayay, laakin hab dhaqankoodu waa damac aan qarannimo marnaba hiil u noqoneynin oo toosin iyo in laga saxo aan sinaba looga maarmeyn.
Sababtu maxey tahay?.
Dal burbur iyo dhibaato 22 sana ah ka soo kacay bey kudladdani nasiib u yeelatay in ay
xilbaanno u noqdaan, iyaga oo ay tiradoodu tahay 275 mudane oo ah tiro aad u badan oo culeys ku ah shacab aan ka badneyn 10 milyan.
Haddaba halkii laga filayay in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay samir iyo waddan jacayl
ku shaqeeyaan, ayey afka kala furteen, waxeyna codsadeen in xildhibaan kasta uu
bil waliba mushahar ahaan u qaato ( $ 2000 )oo doollar, taas oo bil kasta
noqoneysa ( $ 550,000 ) oo doollar, lacagtaas oo ah nus malyuun iyo dheeraad canshuurtii dalka ah isku duub ahaanna sanadkiiba noqoneysa adduun dhan ( $ 6,600,000) lix malyan iyo lix boqol oo kun oo doollar.
Su’aashu waxey tahay muwaadinka soomaaliyeedow lacagta intaa le’eg dalkaaga bil waliba ma ka go’i kartaa, iyada oo askariga soomaaliyeed loo la’yahay boqol doollar uu carruurtiisa ku quudiyo, isla markaana maatida soomaaliyeed baahi la daalaa dhacayaan, iyo
iyada oo uu weli dalku burbur la il daran yahay dib u dhiskiisa iyo dib u soo nooleyntiisuna
aanay weli fari ka qodneyn?,
haddaba marka si kale loo eego fikirkaasi sow uma muuqdo “in la i doorto danbaa iigu jirtay?”.
Xildhibaannada qurba joogta ah qaarkood waxey sameeyaan ama ay qaatan fasax iyo maqnaasho dhowr bilood ah, iyaga oo marka ay dalka dib ugu soo laabtaanna qaata lacago fara badan oo u ururay, taas oo la mid noqoneysa hagbaddii ururtay ama ayuutadii la keydsaday, qaarkoodna waxaaba laga yaabaa ineysan sanad dalka dib ugu soo laaban oo ay howlahoodii iyo
ganacsigoodii iska sii wataan, iyaga oo ku tashanaya la xisaabtan la’aanta
jirta waase fal u qaab eg “xor baan u ahay xoola qaadashada”.
Ugu danbeystii xikmad baa oraneysa ” mukulaasha ama bisadda, wax
korkeeda taabto waxey ugu neceb tahay biyo, wax ay cuntana waxey ugu jeceshahay mallaayga ama kalluunka” su’aashu waxey tahay haddii ay biyo neceb tahay sidee bey kalluun ku heleysaa?, waa su’aal is weydiin mudan oo u dhiganta haddii aad xil gudashada neceb tahay sidee baadxildhibaan ku tahay?.
Aaan ka guurno qabiilka aan u guurno qarannimo.
Aan baranno xalaasha aan ka tagno xaaraanta. Aan qaadanno nabadda aan ka
gudubno colaadda. Aan ku dhaqanno caddaaladda aan ka tagno dulmiga. Yaanan ku
mashquulin dhaqaale urursi ee aan eegno danta ummadda. Aan gudanno waajibaadka
xilka aan illowno mas’uuliyad xumida.
W /Q/ Fanaanka Bashiir Cali Xuseen.