Dhowr Gantaal ayaa Laxaqiijiyay inay Kuhoobteen Madaxtooyada”Vila Somalia” Xili uu kamaqanyahay Xasan Sheekh Maxamud oo Shalay Socdaal ugu Anbabaxay Dalka Turkiga.

23196672Arinta Layaabka kubeertay Amisom ayaa ah in Moqdisho bartankeeda Mujaahidiinta Soomaaliya ay kaduqeeyaan Madaxtooyada “Villa Somalia” xili ay sheegeen in Xamar nabad yahay oo xasilan yahay.

Nin kamid ah shaqaalaha Madaxtooyada ayaa sheegay xalay inaysan kahoyan hoobiyayaal Muddo kusocday Madaxtooyada Islamarkaana la isku dhex wareestay guryaha shubka Adag ka samaysan ee ku dhex yaala Madaxtooyada.

Warar ayaa sheegaya in qasaaraha ugu badan uu gaystay madfac kudhacay barxada guriga Raisulwasaare Saacid Halkaasi oo ay ku waxyeeloobeen Askarta Amisom.

Majirin wax jawaab ah oo madaafiicda ay kabixiyeen Ciidamada shisheeyaha kuhowlgala Magaca Amisom,kuwaas oo looga bartay inay jawaab bixiyaan shacabkana gumaadaan.

Geeska kale Weerar Xoogan ayay Xalay Mujaahidiinta Alshabaab kafuliyeen Deegaanka Gubta ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka ayay shabaabku kuqaadeen guri askarta Dowladda”PIS” kuleeyihiin Gubta,halkaasi oo Askar ay ku waxyeeloobeen.

Banaadir Post