Dagaal-ooge Cabdi Jiinow iyo Korneel Caanood oo Jowhar ka cabsaday iyo Amisom oo diiday inay Balcad ka gudubto ka dib markii laba Kaare looga gubay Balidoogle iyo Leego.

23199193Cabdi Jiinow Gudoomiyaha Shabeelaha Dhexe ugu Magacaaban Dowladda ayaa Qaylo Dhaan lixaad leh kamuujiyay  dagaalada ay kula jiraan Shabaabka oo ah kuwa dhib badan oo aan dhamaad lahayn.

Cabdi Jiinow ayaa Kucalaacalay Ciidamada Soo Weeraray inay ka yimaadeen Gobalada Shabeelaha Dhexe,Shabeelaha Hoose,Hiiraan,Galguud.

Dhagayso Codka Jiinoow

Sikastaba ha ahaatee waxa la isweydiin karo ayaa ah Haddii Cabdi Jiinow uu ogaa Weerar kaga soo socda Alshabaab muxuu kaga hortagi waayay maadama uu sheegay inay daciifeen Alshabaab oo horay meelo badan ay kaga saareen.

Jiinow iyo Caanood oo loo xilsaaray inay Jowhar tagaan  xiligii Shariif Vilada fadhiyay ayaa weli jidka ku sii jira iyaga oo la kulmaya xaalado kala duwan oo adag.

Amisom ayaa diiday inay Balcad dhaafto ka dib caqabado adag  oo kala duwan kala kulantay dagaalka sii daba dheeraynaya iyo dhiigooda ku daadanaya gayiga Somaliyeed oo xoog ku joogaan.

Amisom ayaa cabsi soo food saartay ka dib markii laba KAARE  looga gubay dagaalkii ay joogsadeen oo Leego ay ku gaareen kaaso qorshihiiso ahaa inay Baydhabo ku gaareen.

Amisom ayaa waxa kale soo food saaray dhulka oo kala dheeraday iyo dhibka oo sii badanaya sidaas daradeed waa diiday inay  Balcad dhaafto si u yarayso inay ku dhiigbaxdo.

Caanood ayaa maalmo ka hor ka fakaday qarax lagula helay meel ku dhow Qalimow oo ku waayay ciidan ka tirsan kuwa isaga ilaaliya.

Xalay ayaa saxaafada waxaa la hadlay ninka Shabaabka wakiilka uga ah gobolka Shabeelada dhexe Sheekh Yuusuf Kabatukade  sheegayna inay og yhiin wax walaba oo ka socda jidka dheer diyaarna u yihiin.

Banaadir Post.