Saxardiid ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday dayuurad milateri oo Kenya ay leedahay looga qaaday magaalada kismaayo ka dib markii uu ku soo booday xanuunka loo yaqaaano dhiig karka oo la sheegay in taliyuhu uu qabay mudo dheer ka dib markii aad kor ugu kacay hoosna u dagi waayay,ma ahan ninkii ugu horeeyay oo waxyeelo ka soo gaarto dhiigkarka waxaa ka horeeyay Maxamed Dheere oo maalmo ka hor u dhintay iyo Dhegabadan oo hada aad ugu xanuunsan isbitaalka Amisom ee Xalane mar dhowna Nairobi loo qaadi ddono.
Saxrdiid ayaa ahaa horjooge soo horkacay kenyaatiga kismaayo xooga ku yimid,waxaana sida iska cad haya xanaaq ama ciil kaasoo kuwii ka horeeyay asiibay, ma ahan cusub.
Waxaa kale oo salaadaha ku qanuudaya dadka reer Kismaayo ka dib ay Kenyan kor keeneen meesha ka saareen ku dhaqankii Diinta Islaamka, waana halista soo haysa kuwa gaalada soo raaca.
Banaadir Post.