Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose ee Dowladda Federaalka ah oo Af labadii yeeray!!

23179817Cabdulqaadir Maxamed Nuur Gudoomiyaha Dowladda Federaalka ah ugu Magacaaban Gobalka Shabeelaha hoose ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ku sheegay in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin aad uga faa’iideysteen Xilligi kala guurka ah ee Dowladdu gashay iyo Roobab Mahiigaan ah oo Gobalka ka da’ay.

Waxa uu sheegay ina y yihiin niman ismiidaamin ku qoran sida uu hadalka u dhigay ayna soo dhex jibaaxayaan biyaha iyagoon yaxaayada ka baqeyn.
Cabdulqaadir ayaa Carabka ku adkeeyay in uu yaabayo qofkii arka Meelaha shabaabku maraan.

Waxa uu sheegay in aanay gacan ku hayn Maamulkoodu Gobalku Ciidamo Sirdoon ah iyo Baliis daba gala oo Xogtooda soo sheega.
Waxa uu sheegay in ay Xarakada Shababul Mujaahidiin ciidamadoodu ay Dagaal fool ka fool ah kala hor yimaadaan ciidamada Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Shisheeye ee Uganda iyo Burundi.

Cabdulqaadir oo u muuqday Nin aad u saameeyeen Dagaalada Gobalka Shabeelaha hoose ka dhacaya ayaa sheegay in ay la yaaban yihiin halka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka keenaan Hubka Hoobiyaha ah iyo Xabadaha qaraxa weyn dhaliya ee Baasuukaha.

Asigoo hadalkiisa sii watta ayuu sheegay in Shabaabku xooggoodoo dhan Gobalka isugu keeneen ayna doonayaan in ay ka dhigaan Buuralayda Toora boora ee Dalka Afqanistaan oo kale halkaasoo ay Gacanta ku hayeen Ururada Islaamiga ah ee Alqaacida iyo Daalibaan.

Cabdulqaadir waxa uu tilmaamay in Wafdigii Golaha wasiirada ee Shalay  Marka Safarka Dhulka ah ku yimid iaygoo ka soo socdaalay Muqdisho Maanta mar ay isku dayayeen in ay dib u laabtaan Duleedka Marka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku weerareen.

Waxa uu tilbaaxay Shalay, Xalay iyo Maanta in ay jireen weeraro badan oo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Marka iyo nawaaxigeeda kula beegsadeen ciidamadooda, iyo kuwa Shisheeye iyo Wefdiga Muqdisho ka yimid oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.

Dhagayso waraysiga Cabdulqaadir.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.

558962_558062700889847_2006054688_n