Wasiiradii oo markale maanta lagu weeraray duleedka Shalanbood.

23161002Xubnahaan oo sadax ah waxaa Hogaaminaya Wasiirka Gaashaandhigi Cabdi-Xakiin Xaajji Fiqi waxaana la socda Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga iyo wasiirka waxa loogu geero garsoorka.

Qaraxa ayaan la ogeyn inta uu la eg yahay haddii uu qasaare geystay waxaana lagula beegsaday inta u dhaxaysa Shalaanbood iyo Buufoow oo u dhaw Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeelaha hoose.

Shalay ayay ahayd markii wasiiradaan weerar toos ah oo dhabba gal ah lala beegsaday  kasoo ay  ku qaadeeen ciidamo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka tirsan.

Weerarka Shalay ayaa ka dhacay Deegaan Magaalada Marka ka xiga dhanka Afgooye waxaana warar aanu helnay sheegeen in hal gaari laga gubay.

Wixii kale ee qasaare ah ee gaaray xog kama aynaan helin waxaana jidka Muqdisho iyo Marka isku xira horay loogu dilay Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ah.

Wasiirka Difaaca Fiqi oo Idaacadda VOA u waramayey ayaa qariyey khasaaraha soo gaaray iyo Baabuurta laga gubay, balse Dadka deegaanka Shabeelada hoose oo aan xiriir la samaynay ayaa xaqiijiyey Baabuur laga gubay ciidamada shisheeye iyo Saraakiil dhimasho iyo dhaawac ay soo gaareen walow ay Xildhibaano iyo Wasiiro Waftigaas la galbinayey la socday aanan waxba soo gaarin sida la sheegay oo aysan jirin cid xaqiijin karta in aanan waftiga khasaaro soo gaarin.

Dhagayso Warka Idaacadda Alfurqaan MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Isha Maqalka Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan.
Maxamed Xaamud

Banaadir Post.

23132172