Maalin kadib markii Baarlamaanka Uganda isku raaceen in raggoodu is guursan karaan ayuu xildhibaanku sheegay in uu uga hambalyeynayo tallaabadaasi.
Su’aasha la weydiiyay oo ahayd sida uu u arko go’aanka Baarlamaanka Uganda iyo sharciga ogolaanaya arintaasi ayaa waxa uu yiri’ “aniga uga yaraan 23 sano ayaan daganaa wadamanka reer galbeedka, waan arkay laba ninoo is qabto iyo laba naagoo is qabto, laakin dimuqraadiyadda ayaaba ah waxa aniga iyo adiga ku heshiino, dimuqraadiyadda waxaa kaloo ah in caqlabiyad lagu kala boxo, waxay bulshada jeceshay oo lagu dhaqamo, waxaad arkeysaa niman la yiraahdo waa sheekhiin oo la leeyahay guurka waa ka xaaraan oo wax yaabahaasi waa waxyaabo ay iiga ay xeersadeen, marka ani waxaan qabaa dimuqraadiyadda waa waxa aniga iyo adiga aan ku hashiino ama mushtamac uu ku hashiiyo oo la hir galiyo, marka haddii aay hadda iiga sharci cusub aay sameysteen annaga kolley waan u hambalyeyneynaa, waliba waxaan leenahay il baxnimada cusub ayaa keeneysa in gabdhihi guurka uu u fududaado, in wiilasha guurka uu u fududaado” ayuu xildhibaanku uga jawaabay su’aashii la weydiiyay ee ku saabsaneyd tallaabada ay baarlamaanka Uganda ku ogolaadeen in raagu is guursan karo, dumarkana sidoo kale is guursan karaan.
Halkan ka dhageyso Codka Xildhibaanka
Sidoo kale xildhibaanka ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd sida ay ku suura gali karto in rag isu dhoxo caqli ahaan, wuxuuna yiri’ “dadka markey is rabaan waxaa la siiyaa tababar si dabeecadda qofka aad isku cusubtihiin loola qabsado oo sidii laba qofoo isku cusub dabeecaddooda isu qaban lahayd ayaa la baraa, marka arimaha noocaasi iney wadankeena ka dhimanyihiin waan aaminsanahay, laakin haddana sida haweenka naagaha naagaha guursanaayo lesbian la yiraahdaa il baxnimadiyaa siyaadi” ayuu su’aashii kale uga jawaabay Daahir Amiin Jeesow.
Halkan ka dhageyso Codka Xildhibaanka
Hadduu xildhibaanku diin ilaalinayo ma waxa uu sharci ka dhigan lahaa dastuur oranaya caruurtu waxay ku qaan gaartaa 18 sano sida gaalada? Ma wuxuu qaadan lahaa dastuur ictiraafsan baaqa caalamiga ee xuquuqda aadanaha oo sharciyeynaya in qofku u uxor u yahay inuu gaaloobo?
Si kastaba ha ahaatee hadalkii uu xildhibaan Jeesow ku taageeray tallaabada ay Baarlamaanka Uganda ku ansixiyeen in raggu is guursado dumarkuna isu dhaxaan ayaa aad uga careysiiyay dadka muslimiinta ah, iyadoo culimaduna jawaab sharci ahi ka bixiyeen.
Marka diinta Islaamka laga hadlayo Liwaadka xukunkiisa waa dil, waxaana uu Allaah ku halaagay qowmkii Nabi Luud.
Banaadir Post.