Wadanka Muslimka ah ee Somalia, ayaa sida hada muuqata waxaa duulaan ku jooga wadamo badan oo African ah, kuwaasi oo u soo galay ama ka leh Ahdaaf kala duwan,taasi oo ay ugu horeyso in ay boobaan Kheyraadka ku jira dhulka Somalia, waxaana ugu dan beyay wadama duulaanka kusoo galay ciidda Somalia dowladda kenay, taasi oo duulan keeda Shaki galiyay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda Indheer garadka ah.
Duulaanka Kenya ciidamadeeda ay kusoo galisay gudaha Somalia, ayadoo Cirka, Badda iyo Dhulkaba laga taageereyo ayaa waxa ay ugu dan beyntii gaartay magalada kismaayo oo ah il dhaqaale oo muhim ah Umadda Soomaaliyeed.
Weerarka Kenya ay kusoo qaaday Somalia, ayee mar marsiyo uga dhigtay in ammaanka Wadankeeda uu halis wajahayo, taasi oo ay ula jeeday in ay dooneyso in ay la dagaalanto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, balse hadalkaasi waxaa far ku goday Aqoonyahano Indheer garad iyo Bulshada qey beheeda kala duwan, taasi oo ay ku macneeyeen in Kenya ay dooneyso, ama xitaa uu ku jiro damac ah in Shidaal ay ka hesho gudaha Somalia, waana mid muuqata marka dhan laga eego duulanka Kenya.
Dadka falan qeeya arimaha Somalia, waxa ay tilmaameen in Kenya ay uu Hadaf keedu yahay in Shidaal ay ka hesho deegaanada ay kusoo duushay ee Jubooyinka iyo Gedo, waxeyna xuseen in Kenya ay hishiisyo la gashay wadamo badan oo ay ka mid yihiin dowladaha Norwey, Italy,Uk iyo waliba wadanka Farancas-ka oo taageero xoog leh siinaya iminka Kenya.
Sida horey ay u shaaciyeen maamulladii KMG-ka ahaa iyo waliba dowladda Kenya, waxa uu ahaa in dowladda Kenya lasiiyo qeyb ka mid ah Badda si shidaal ay uga baarato, waxaana xusid mudan in xubno horey uga tirsanaa maamulladaasi laga saaray Saaxada KMG-ka ah ay ku la hishiiyeen in ay dhulka Jubooyinka iyo Gedo ay ka baaran karto Shidaal, balse hishiis yadaasi waxa daaqadda ka saaray ka dib markii dowladaha reer Galbeedka ay sheegeen in uu dhamaaday waqtigii KMG-ka hadane loo dhisay Somalia maamul dhameystiran oo ay ku sheegeen dowlad Fadaraal ah.
Haatan oo dowladda Fadaraal ah laga dhisay gudaha magalada Muqdisho isla markaasine meesha uu ka baxay hishiis yadaasi ay la gashay Kenya dowladihii KMG-ka ahaa waxaa soo baxaya damac xoogan oo ay Kenya ku dooneyso in ay Shidaal kaga baarato dhulka Somalia, gaar ahaan deegaanada ku dhow xuduudeeda.
Waxaa jiray qoraallo iyo hishiisyo ay kala Sixiixdeen dowladihii KMG-ka ahaa iyo waliba dowladda Kenya, taasi oo aheyd in Shidaal laga soo saaro Ceelal Shidaal oo kuyaalla Badda Somalia isla markaasine dhaca dhulka ku dhow Xuduudda, waxaana ka mid ahaa hishiisyadii Kenya ay la gashay Shirkadda Eni oo laga leeyahay Taliyaaniga, taasi oo sheegtay in hadii ay hishiis kaasi uu dhaqan galo ay dooneyso in ay ka howlgasho, qeybta (Block) L21,L23 oo dhamaan ka tirsan dhul Badeedka Somalia.
Dowladda Kenya waxa ay sidookale ayadoo ku dadaaleysa in ay meel mariso hishiis yadaasi kana faa’iddo Shidaalka laga qodoyo dhul-badeedka Somali, waxey hishiis adag la gashay shirkadda Total S.A oo laga leeyahay Farance, waxeyna sheegtay in Shirkaddaasi ay ka howlgaleyso qeybta (Block) L22, oo ah dhulka ku teedsan Xuduudkeeda.
Kenya ayaa Shirkadaha la xeratay hishiiska ayaa ah kuwa aad u fara badan waxaana ka mid ah Shirkadda Statoil oo laga leeyahay wadanka Norwey, ayadoo la sheegay in ay ku wareejisay qeybta (Block) L26.
Waxaana xusid mudan in hishiis yadaasi oo dhan ay dhaceen intii ay jireen maamulladii KMG-ka ahaa ee lagu soo dhisayay wadanka Dibaddiisa, Kenyane waxa ay u arkeysay in fursad weyn oo qaali ah ay heysato isla markaasine ay ka faa’iddeyso hadii ay u suuragasho qodidda Shidaalka ee laga soo saarayo dhul-badeedka Somalia, gaar ahaan dhulka xiga Xuduudeeda.
Inkastoo sidaasi ay loolan adag ugu jirtay dowladda Kenya in ay hirgiliso Shidaal laga soo saaro Somalia oo dhaqaalihiisane ay ku shubato Jeebka, ayaa waxaa meesha ka baxay dhamaan dowladihii KMG-ka ahaa waxaana la dhisay dowladda Fadaraal ah balse dowladdaasi maxey kala Socotaa damaca Kenya iyo Shakiga laga muujinayo.
Dowladda hada laga dhisay magalada Muaqdisho ee uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud Culusow, ayaa dhawaan waxa ay sheegeen in ay dib u eegis ku socoto dhamaan hishiis yadii horey ay u galeen dowladihii ka horeyay ee ku aadanaa Kheyraadka dabiiciga ah ee Somalia.
Waxaa jiray xubno ka tirsanaa Wasaaraddii Dakadaha iyo Kheyraadka Badda oo hada qaar kood la taliyal u ah dowladda Fadaaralka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud Culusow ay sheegeen in aan la aqbali Karin wixii hishiis ahaa oo ka danbeyay 1991-dii, taasi oo ay galeyn maamulladdi KMG-ka ahaa ee soo maray wadanka.
Waxaana hadalkaasi Siyaasiyiin badan oo dusha sare kala socda Siyaasadda Somalia ay ku tilmaameen in uu abuuri karo isku dhac Siyaaseed oo caqabad ku noqon kara hana qaadka dowladda Cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud Culusow.
Dadka sidookale udhuun daloola arimaha Somalia isla markaasine la socda danaha Shirkadaha Shidaal baarista ka wada Somalia, ayaa sheegaya in Somalia xiligii uu ka jiray maamulkii Maxamed Siyaad Barre dowladdaha Yurub iyo Mareykanka in ay sheegi jireen in Somalia uu yahay wadan Qani ku ah Shidaalka, ayna suuragal tahay hadii looqodo Shidaal uu noqon karo wadanka ugu muuqda Africa-ka iyo waliba mi xubin fircoon ku yeelanka kara wadama Jaamacadda Carabta ku jira oo Somalia ay qeyb ka tahay.
Laakin halista meesha taalla ayaa waxaa lagu sifeyn karaa 30 Sano uu heystay wadanka maamul sababta keentay in loo qodi waayo Shidaal maadaama ay xiligaasi xitaa ay baaritaano sameyeen Shirkadaha qaabilsan Shidaal baarista isla markaasine ay sheegayeen in uu kujiro Shidaal Badda iyo Bariga ayna muhiim tahay in laga faa’ideysto, marka laga reebo in maaweelo ay kuwadeen dowladdii jirtay xiligaasi wadamada reer Yurub iyo waliba Mareykanka .
Imika oo ay Kenya duulaan kusoo gashay dhulka Somalia isla markaasine ay qabsatay magalada Kismaayo oo ah magaalo xeebeed,ayaa waxaa soo if baxaya shakiga ku aadan damaca Kenya iyo Halista duulaan keeda oo sida muuqata ku qotama in Shidaal ay kala soo baxdo dhul-badeedka Somaila, ayadoona meesha uu san ka marneen damaca dowladdaha reer Yurub iyo Mareykanka ee ku aadan in kheyraadka Somalia si wada jir ah loo boobo.
Waxaana taasi marqaati ka ah in dowladaha Yurub iyo Mareykanka ay baaritaano ka wadaneen Qaarada Africa-ka wax kabadan 30 Sano, waxaana meelaha sida weyn ay ugu haminayaan in ay ka soo saartaan Shidaal iyo Macdanta laga qodo dhulka ay ka mid aheyd Somalia, arintaasine waxaa ay muujineysaa in damaca Kenya ee ku aadan Shidaalka Somalia la doonayo in laga boobo ay garab uga heleys dowladahaasi Yurub iyo Mareykanka.
Ujeedada guracan ee Kenya ay ku dooneyso in dhaqaalaha Somalia ay ku boobto waa mid aan qarsoo neyn hadane marka la eego waxa ay ku tusineysaa in meesha uu ka muuqdo damac ah in Somalia duulanka lagu soo qaaday uu yahay midkii loogu tartamayay Dahabka Madow ama Shidaalka.
Laakin duulaankaasi Kenya iyo dowladaha ku garab siinaya boobka Somalia, ayaa waxaa ka hor taagan Mujaahidiinta Somalia, ayagoona ku hor gooyay damaca guracan ee Kenya Shircaarka ah in ayagoo nool aan lagu xad gudbi Karin dhulalka Muslimiinta gaar ahaan dhulka Somalia, waxeyna Mujaahidiinta Somalia sida hada muuqata ay majaxaabiyeen dhamaan danihii dowladaha Gaalada ah ay kala haayeen Somalai, halka kuwa kusoo duulayne ay yihiin gacan ku ganbad oo ay ku adag tahay in ay ka hortagaan weerarada kaga imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Duqooyda iyo Indheer garadka , waa kuwa uu kasoo haray yaab iyo fajac ku aadan sida loogu tartamayo Kheyraadka Somalia waana kuwa leh Habeen iyo Maalin, in wadanka loo soo saaro Shidaal waa wax ku jira danta Umadda, balse waxaan aragnaa in Kheyraadkeenii la boobayo, waxaana qaar kood ay yihiin kuwa ka muujinaya arinta boobka Kheyraadka Somalia Caro.
Balse sida hada muuqata waxaa Fashil ku dhamaan raba, Duulanka Kenya ee kusoo gashay Somalia maadaama ay Mujaahidiinta ay ka go’antahay in ay naafeeyaan Cadowga isku soo baheystay Diinta dhulka Muslimiinta iyo waliba Kheyraad kooda oo Allaah ku maneystay.
W/D: Cabdul-Xakiim Yuusuf Syria.