Waxaa mudooyinka danbe sii dabar go’ayay kuwii bari joogi jiray gobolada dhexe gaar ahaan dhowr magaalo sida Guriceel,Dhuusamareeb,Xeraale iyo Caabuwaaq, kuwaas dadka intiisa badan dadku ugu yeeraan Qabuuro ama Suufiyo “Mushrikiin”.
Maleeshiyaadka ayaa ahaa kuwa loo aruurshay hab beeleed ama qabiil oo ah dadka degaanka ay joogeen,waxayna taageero ka heli jireen ninkii baqtiyay Melas “Fircoonkii Geeska Afrika” ka dib waa jabeen oo kala tageen intooda badan,waxaana soo haray wax yar oo Guriceel jooga kuwaas ayaa la sheegay inay ku biirayaan Dowlada oo hogaankeeda hayo Xasan Sheekh oo maalmo ka hor socdaalkiisii ugu horeeyay ku tagay Adis ka dib sheegay in colaada ka dhaxeysa Somalida iyo Xabshida aysan ahayn mid jirta kana been sheegay xaalada maanta ka taagan geeska Afrika,iayadoo ay xabshido xoog ku joogtom dhowr magaalo oo dhulka Somaliyeed ah sida Beledweyne, Baydhabo iyo Xudur farahana kula jirto xaalada guud ee gayiga Somaliyeed.
Xeefow oo muda ka maqnaa gobolada dhexe ayaa maanta ka soo muuqday Moqdisho sheegayna inay ku biireen Dowlada Xasan Sheekh oo fadhigoodo yahay moqdisho iskana noqon doonta mid loogu yeero doono Banaadir Land.
Suufiyada”Mushrikiinta” intooda badan ayaa ku biiray ku darsamay Mujaahidiinta Somalia gaar ahaan kuwa gobolada dhexe ka dib markii ay jaanis ka hleen ay kugu biiri karaan.
Maxay ku soo kordhin doonaan Xasan Sheekh kuwan loogu yeero suufiyada “Mushrikiinta” oo aan ahayn kuwa aan tiro badnayn lahayna tayo ciidan oo la isku halayn karo.
Banaadir Post.