Khaniisiinta Muslimka sheegtay oo Masjidkooda ugu horeeyay ka furtay France. (W/Q Bile Bilaal)

23121804Maalmahaan waxaa dhagaha caalamka ku soo badanayaa waxyaabo aad u foolxun gaar ahaan isbuucaan ayaa ahaa mid aad uga yaabiyay Shucuubta Islaamka ah ee dunida ku dhaqan arinkii ugu yaabka badnaa wuxuu ahaa in Baarlamaanka Holland ansixiyay sharci lagu ogolaanayo in Allah swtc la Aflagaadayn karo loona cayn karo sidii la doono isla markaana arinkaasi uusan dambi ahayn  maantaa wixii ka dambeeya iyadoo awal uusan arinkaasi ahaa dambi waxaase ka cajiibsanaa in ay dambi tahay in la caayo boqortooyada Holland.

Dimuquraadiyadda caalamka ku dhaqmo waxay caabudaan Baarlamaanka oo baarlamaanada jira wixii ay xalaaleeyaan ayaa xalaal ah wixii ay xaaraantinimeeyaan ayaa xaaraan ah waad aragtaan in Allah la caayo waxaa xalaalaynayaa Baarlamaanka Boqortooyadana in la caayo waxaa xaaraan ka dhigaya waa isla Baarlamaanka isla dimuquraadiyaas ayaa dalal badan oo muslimiin ah loo soo raray waxaase cajiib ah in maanta culumo waaweyn ay baarlamaanada noocaas ah daba socdaan oo ay u fatwoonayaan.

30 Bishaan 11 aad ayaa deegaan u dhaw magaalada Paris laga furay wax lagu sheegay Masjid soo dhawaynayaa Khaniisiinta isugu jira ragga iyo dumarka, furitaanka Masjid ku sheeggaan waxaa soo qaban qaabiyay Ludovic-Mohamed Zahed oo 35 jir ah asal ahaan ka soo jeeda Aljeeriya, Khaniiskaan Ludovic-Mohamed Zahed wuxuu madax u yahay Ururka Khaniisiinta Muslimka ah ee France, Khaniiskaan ayaa ku caan ahaan in uu faafiyo Khaniisnimada lacago aad u tiro badana kaga helay Dawlada France iyo Kaniisado badan oo ka jira France sidoo kale waxaa arinkaa lacago kaga helay Meelaha ay ku cibaadaystaan Mushirkiinta Budhiistaha aaminsan waayo halka uu masjidkaan ka furay waa qol ka mid ah Xarun Bidhistaha ku cibaadaystaan isla markaana uu qolkaa u furay wadaad hogaamiya kuwa Budhaha caabuda oo isna Khaniis weyn ah laguna magacaabo Federico Joko Procopio.

Ludovic-Mohamed Zahed oo ka sheekaya dadka salaadda u soo aadaya ayaa sheegay in Muslimiinta dhan u furan yahay balse ay qolkaa ku wada dukan doonaan ragga iyo dumarka Khaniisiinta ah, kuwa Xubnaha Tarankooda gooyay si ay dumar u noqdaan, wuxuu kaloo sheegay in Dumarku Imaam ka noqon karaan masaajidka raggana safka qura wada galayaan oo aan dumarka meel gooni ku tukanaynin.

Wadaadaha ka mid ah Jaaliyadda Musliminka ah ee ku nool France iyo Imaamyo aad u badan ayaa arinkaan aad u dhaleeceeyay laakiin waxba kama qaban karaan waayo nidaamka ay ku hoos nool yihiin ayaa ogol in sidaan iyo wax la liitaba xalaal yihiin wadaad ka mid ah kuwa ka muxaadareeya Masjidka weyn ee Paris oo lagu magacaabo Dalil Boubakeur ayaa sheegay in waxa Khaniiskaan ku kacayo ay ka baxsan yihiin Mujtamaca Islaamka arinkaa oo ah dhaleeceyn aad u fudud waayo haddii uu si adag ula hadlo oo xukumkiisa sharciga ah sheego waxaa lagu xukumayaa in uu argagixiso yahay sidaa awgeed waa in carab jilicsan ku dhaleeceeyaa.

Maaha markii ugu horaysay ee gaaladu isu dayday in Islaamka is badal ku sameeyaan waxaan ogayn in Habar Sheegatay in Muslimad tahay ay Kaniisad dhexdeeda Imaam kaga noqotay Maraykanka isla markaana raggii iyo dumarkii isu saf ku tukadeen iyadoo Mu’adin ka dhigay Habar kale talaabadaas qaldan waxaa difaacay Sh Yuusuf Alqardaawi oo lagu sheego in uu yahay Madaxa Majliska Culamada Islaamka arinkaana wuxuu caddaynayaa in Culumaa’u suuga maanta jiraa ay qayb ka yihiin dagaalka lagula jiro Diinta Islaamka.

Dimuquraadiyadda ayaa waxyaabahaas oo dhan sabab u ah hadana maanta wadaadii intooda badnayd waxay noqdeen kuwo Dimuquraadiyadda ku biira iyo kuwo Fatwo ku taageera waxaad arkaysaa oo muuqanaysaa in markaa Dimuquraadiyadda iyo Islaamku dagaal dhex maro in Fataawaad deg deg ah ay ka soo baxaan Culumo kuwa lagu sheego ay ku difaacayaan Kaniisadaha, Xarumaha Budhiistaha laakiin marka Masaajid Kaniisado loo rogo, Markaa falalkaan foosha xun lagu kaco way aamusayaan mana maqlaysid kalmad kaliya.

Maalinkasta meel aduunka ka mid ah ayaa ruux muslim ah duqayn Maraykanka iyo Nato ugu dilaan  mararka qaar magaalooyin dhan ayaa xasuuq laga gaystaa iyo kufsi aad u tiro badan sida ka dhacday Gaarisa isbuucii hore intaa oo dhan culumaa’u suugu kama hadlaan laakiin haddii Muslimiintaa la xasquuqay ay aargutaan waxaa mashquul noqonayaa Minbarada iyo Microfoonada dad badan oo Muslimiinta ka mid ah ayaa aad uga yaabban arinkaan laakiin dadkaasi waxaysan ogayn in ruuxa dhulgaalo ku dhex nool hadana cabsanaya ama dano aduunyo wataa in uusan diinta allah run ka sheegayn ee uu marba sida ay qolada uu la nool yahay jeceshahay u hadlayo.

Waxaase allah mahadii ah in foolxumadii dimuquraadiyaddu ay soo baxday oo xitaa caamadii ay fahamtay  waayo afcaashaan ayaa muujiyana in baadil tahay waxa wadaaduhu noo fatwoonayaan tusaalaha ugu fiican ee maanta dadku is waydiin karaan ka wuxuu yahay Haddii Baarlamaanka Soomaaliya maanta dhaho waa xalaal Khaniisnimadu  miyaysan Xalaal noqonayn oo dawladu ma diidi kartaa sharcigaa haddii ay u wada codeeyaan ? Jawaabta waxaa laga helayaa Dastuurka Dawlada Federaalka ah.

W.D
Bile Bilaal