Cabdi Kariim Dhegabadan oo cuduro kala duwan la dhul dhacay iyo xaaladiisa caafimaad oo laga dayranayo.

23121983Cabdi Kariim Dhegabadan oo Dowladda Federaalka ugu magacaaban Abaanduulaha ciidanka ayaa shalay gelinkii hore  xanuunsaday  xili weerer ku socday isaga maleeshiyaadkiisa oo  lagu weeraray deegaanka Buufow”Bilaal” ee duleedka magaalada Marka balse weerarkaasi waa ka badbaaday, waxaana lagu soo qaaday diyaarad  diyuurad ay leedahay shirkadda SKA oo garoona ama gegida Moqdisho xooga ku haysta kuna takri fasha hantida ka soo baxda.

Dhegabadan ayaa la sheegaya  inow hayo xanuun dhanka Wadnaha iyo Dhiigkar aad u koreeya oo la dajin waayay  waxaana la dhigay isbitaal ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in xiliyada Habeenkii ah uu Dhegabadan qaraw iyo miirdaboolan dareemayay sababa laxariira dagaalka uu kula jiro xarakada Al shabaab oo ku adkaaday.

Dhegabadan ayaa horaan  ka baxsaday ama ka fakaday qaraxyo lagu qaarijin lahaa.

Banaadir Post.