Akhristayaal Soomaali maryoolay markay lahaayeen xornimaan qaaddannay kaddib waxay kor u qaadeen fankooda ilaa hal-abuurradu ku muujiyaan in dambiga ugu daran ee la galo yahay gaalnimo iyo wax la xiriira duminta Shacaa’irta Islaamka. Maaddaama heesaha jacaylka aad loo jeclaa baa hal-abuurradu Caqiidadaas saliimka ah noo hoos gelin jireen! Waxaa ka mid ahaa maansadoodii:
- Sidaan ahay nin gaaloo
- Xarameynkii galayoo
- Gubey maalin Ciideed
- Lagu soo Gurmaday baad
- Gebi dheer i saartood
- Igu Goonni baartee
- Guur hayga filanine
- Gurigeyga ii dhaaf!
Hal-abuurkaasi wuxuu ka dhigayaa in haweentaasi ninkaas u gashay si aan loo gelin qof Muslim ah ee ay ula dhaqantay sidii nin gaal ah oo weliba maalin Ciid ah inta Xaramka galay gubay! Bal u fiirsada sida hal-abuurku isu saaray gaal weliba maalin xurmo leh oo ciid ah (Yomul Akbar/Adxaa), Xaramka dhexdiisa gubay! Mid kalaa yiri:
- Ma deyrkii Makaan gubay?
Sida xaqiiqda ah, hadda waxaad moodeysaa in dambiga ugu daran ee la galo yahay in Salaad Subax jamaaco ku soo tukato ama lagaa maqlo adoo Kitaab Qur’aan ah heysta oo leh: waxaan rabaa in Isaga la isku xukumo ama Jihaad ka hadlaya! Gaalo-raacnimada iyo gaaloobiddu waa waxyaalaha lagu noqdo madaxweyne ee la isku soo dhoweeyo! Miyaadan arag Soomaali kummannaan ah oo gashan funaanado ay ku sawiran yihiin Feysal Cali Waraabe iyo Siilaanyo oo dimuqraadiyad u damaashaadaya oon cidna saas u fiirineyn halka sheekh Maxamuud C/Laahi Geelle oo keligiis ah oo Kitaab Qur’aan ah gacanta ku wata oo leh: Isagaan doonayaa; loo dul qaadan waayey inuu fikirkiisa dhiibto! Soow lama oran dimuqraaddiyaddaa ogol in qofku fikirkiisa dhiibto? Haddaad idinku wadataan funaanado ay Siilaanyo iyo Ina Cali Waraabe ku sawiran yihiin; maxaa sheekha loogu diidayaa Kitaabkuu wato? Dagaal ma soo sameyn! Cid ma soo wadan! Dhagax ma tuurin!
Waxaan xasuustaa meel kubbad lagu ciyaarayo, nin dhallinyaro markaas ahaa oo la oran jiray Maxamed-Soomaali oo Waqooyi ka soo jeeda oo inta sigaar soo baxshay wiil yar ku leh: been beeneey iisoo shid! Cunigii isagoon isu qabin in amar la siiyey buu xaafadihii ka ag dhowaa la aaday sigaarkii suu ugu soo shido! Hadda ma la waayey shacab been beenay isu soo agaasima oo dhaha: dimuqraaddiyaddaa ogol in qofku qowlkiisa dhiibto; ee annaguba funaanadihiinnaan gashannee, Siilaanyoow sii daa wadaadka!
Haddii wadaadku dibad-bax sameyn lahaa ama soo wadan lahaa dad dhagxaan iyo wax tuuraya waxaa la is dhihi lahaa Siilaanyo marmarsiyuu heystaa laakiin sidaad cinwaanka ku aragtaan mar la xiray Cabdi-qeys baa la sheegaa inuu tirshay hees ay ku jirtay tuducyadaas haddaanan khaldaneyn:
- Agoon xoolo kama dhicin
- Xarga-goysnna maan noqon
- Eexana rag kama gelin
- Xeebtaas Jabbuutee
- Soomaali laga xaday
- Haddii aan xaggaa tagay
- Ma shiddeynin xeerkee
- Maxaa laygu soo xiray?
Haddaba Siilaanyo wuxuu leeyahay Somaliland dimuqraadiyad baa ka jirta! Hadday arrintu saas tahay, waxaad tiraahdeen qofku codkiisa waa dhiiban karaa dabadeedna sheekh Maxmauud C/Laahi Geelle wuxuu yiri waxaan rabaa Shareeco-isku-xukun; marka maxaa lagu xiray?
Waxaa maamulka Somaliland laga codsanayaa in sheekha la siiyo xorriyadiisa! Ma jirto wax dambi ah oo uu galay! Haddii kale ku qorta dastuurkiinna inaan la rabi karin Shareeco Islaam! Muslimiintu waa yaqaannaan in rooti qaali noqday oo loo bannaanbaxo! Waa yaqaannaan in iyagoo gashan funaanad Siilaanyo ku sawirran yahay u bannaan baxaan xisbi dimuqraadi ah (Kulmiye) ama UCID (kan ina Cali Wareebe) laakiin ma ogola inay ka bannaanbaxaan arrinta sheekh lagu heysto: maxaad u wadataa Kitaabka Qur’aanka ah! WALLAAHI dad badan bay la tahay wax sahlan laakiin haddii shacabku arrintaas ka hadli waayaan waa arrin weyn! Haddii dhulka nalala gooyo; maxaan ku cududaaraneynnaa? Wadaaddo ma heynnee meeye hal abuurradii hadalkaas kore ku hadli jiray?
Maxamed Xaamud
Xigasho Somalimidnimo.com