Sayid Maxamed Cabdille Xassan” Naf dalkaaga doonaysa”

Gabaygan waxaa tiriyay Sayid Maxamed Cabdile Xasan mudo hadda laga joogo 100 sano.  Sayidku wuxuu ka gabyey xilligaas xaalada halgankii jihaadka ee daraawiishta.Maantana waxaad arkaysaa inuu isla gabayganu khuseeyo arinta maanta taagan waayowaagaas uu ka gabayayey munaafaqiintii ama dadkii caqabada ku ahaa halganka iyo danaha umada Soomaaliyeed ee u adeegayey cadawga maantana way u adeegayaan. Tixdan markaad dhuuxdo waxaad ogaanaysqaa micnaheeda qarnigii tagay iyo qarniganban.

Wuxuuna ku bilaabay sidan:

1. Doodan waxaan u leeyahay        dumarkiyo caruurtoo

2. Dadkii idinka waynaa                   hadday idin duleeyeen

3.Dambi kama ay yaabine               cuntay idinka doorteen

4. Duunyaa la dhaafsaday               dugsigaad galeeyseen

5.Dameerkuna ma yeelen               halkay talo ku daysteen

6.Dab intay shideen bay                  dalaq idinku siiyeen

7.Doox intay qodeen bay                ciid idinku daadsheen

8. Nin idiin damqanayaa                 idinkama dambeeyee

9. Hadaydaan digtoonaan               daad bay idin qaadiye

10.Duleedada kufaartaa                   dacas idinku laynoo

11.Naf dalkaaga doonaysaa            firaash looma daadshee

12.Dabkan aan shidaayaa                daawadiina weeyee

13.Dariiqii rasuulkiyo                      dawga ha ka baydhina.

Banaadir Post.