Gawaari Dagaal iyo Diyaaradaha Qumaatiga ukaca ee Saracen ayaa horkacayay wafdiga Cabdiraxmaan Faroole oo gaaray Magaalada Boosaaso.
Faroole ayaa Saxaafada kula hadlay xarunta maamulka Boosaaso isagoo sheegay in si nabadgalyo ah ku yimid magaalada Boosaaso.
Kolonyada oo lasocday Cabdiraxmaan Faroole ayaa qarax miino Lagula helay duleedka Boosaaso,iyadoona qaraxa uu lakacay gaari nooca raaxada ah ee daba socday kan uu kusocday hogaamiyaha xukun Jaceelka lagu saliday ee Faroole.
Lama oga inta maalmood ee Faroole uu kusii nagaan doono sii joogo doono Boosaaso oo kamid ah Magaaloyinka uusan Jecleen Cabdiraxmaan inow sii joogo.
Shalay ayaa Boosaaso Laga Sugayay Faroole iyo wafdigiisa laakin sababo dhanka amaanka ah ayay ugu hakadeen Magaalada Carmo ee Gobalka Bari.
Banaadir Post.