Ciidamo Burundi ayaa lagu dilay qarax ka dhacay ka Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeelah hoose.

Waxaa la xaqiijiyay in qaraxa jiro kuwan hoobteen ciidan reer Burundi laakin waxaa la aqoon qaraxo yahay, wuxuu na ka dhacay halka loo yaqaano Buundo bilan.

Meydadkii askarta aya Goobtalaga qaaday waxaana feejignaan ay awalba qabeen sii laba jibaaray askarti kale ee soo hartay.

Tani aya naxdin iyo Niyad jab ku keenaysa askarta Shisheeye ee Marka iyo Meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan Duulaanka ku jooga.

Geesta kale agagaarka Saldhiga ciidamada Dowladda Federaalka ah qaarkood ayaa Bam gacmeed lagula weeraray, ma ogin wixii gasaare ah ee halkaas ka dhashay.

Shalay Marka waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay askarta Dowladda Federaalka ah oo ku dagaalamay Goob Is baaro u tiilay Gacan ku haynteeda  Maantana Shababul Mujaahidiin ayaa Magaalada Howlgaladaan qasaarah geystay ka fulisay.

Banaadir Post.