Xasan Sheekh Maxamuud “Garguurte” iyo Wasiirka Gaashaandhiga DF ayaa Maanta Gaaray Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya kuwaasi oo kasii duulay dalka Jabuuti.
Xarunta Madaxtooyadda Itoobiya ee Adisababa ayaa kulan gaar ah waxaa kuwada yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Xasan Maxamuud Culusow.
Labada dhinac ayaa Isla soo hadal qaaday dagaalada ay kula Jiraan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Warar ayaa Sheegaya Xasan Sheekh in Raisulwasaaraha Itoobiya uu ka codsaday in Ciidankiisa ay kusii nagaadaan dalka Soomaaliya,iyada la wada ogyahay dhib ku hayaan meelaha ay joogaan.
Ciidanka Xabashida ayaa horey ugu jabay dhulka Somaliyeed welina way ku dhiigbaxaan waxaana iska cad inaysan nabad ku sii joogi doonin dhulka Somaliyeed.
Xasan Sheekh Maxamud ayaa u eg nin ku indho beelay kursiga lagu fariisayay oo ah mid Kaare saaran.
Banaadir Post.