DHAGEYSO: Gabayga Darab Gudee Kaalay (W/T Cabdullaahi Soomaali)

Assallaamu Caleykum Waraxmatullaah. Ilaah baa mahad iska leh, nabad geliyo iyo Narxiisna Nabi Muxamed Korkiisa ha ahaato.

Tani waa Maanso ka hadleysa Gaalo raacyada Muuqaalka nooga eg, doqonta iyo Gaalada qudheeda.

qeybo kale waxa aan ku qeexay waxa looga baahan yahay Ninka Diintiisa iyo Dalkiisa laga haysto ee Muslimka ah iyo waxa ay tahay in uu ku dhaqaaqo marka uu xorriyad helo.

waxaa lagama maarmaan ah in Ninka Jihaadka aadayaa u dagaalmo Alle dartii oo kaliya ee aanay noqon in uu dabka u qalo Qabiil, Magac raadin iyo Hanti aawgeed, waxaanay iila muuqatay in taas aan dar daaran ahaan ugu jeediyo jihaad Doonayaasha in ay Janno helaan hadafkoodu yahay sidaa aawadeed qeybaha dambe ee gabayga ayaan ku soo hadal qaaday.

Gabaygu waxa uu sidoo kale qeexayaa oo aan tudacyada ugu dambeeya ku soo qaatay in dhaqdhaqaaqyada iminka Dunida ka muuqanayo micnheedu yahay in Dowladnimo ama khilaafo Islaami ah noo curo doonto INSHA ALLAAH.

Maadaama erayada aan isticmaalya kolkii aan Curinta Maansadana ku jiray aanay ahayn ku adag waxay ila tahay in  Muhiimadda ay ximbaarsan tahay garashadeedu aanay idinku adkaa doonin.

Walaalaha Xaqqa jecelow Wixii talo iyo tusaale ah waxaad iigu soo diri kartaan Emailka Hoos ku qoran.

HALKAN KA DHAGEYSO GABAYGA

Damanihii halaabiyo intii Qalbi daxalowday,

Midki dilay Midkii dooxiyo kii dibnabaha gooyay,

Dalkooda kan qaatay waqood daba hableeyaane

Dorraad xarig    Sooheen ayaa lagu dabnaayaaye,

Doqonta waxaa kaaga roon Idaha Deex jooge,

ha yeeshee markay Daab u tahay cadawga soo duulay,

Daqarada kuway kagu dhigtaa Daanno kagu reeba.

Kaymaha dushoodiyo halkuu daad fatahay yaallo,

diyaaradi kuma soo degtee wey ka durugtaaye,

hadaan loo durbaan tumin Kufri nama duleysteene,

sow Dalka kuwii nala lahaa Deyr lagama yeelan?

sow difaaca gaaliyo ma ahan bir leynagu  dooxo?

sow Diinta tooda Anfaco lagama doorsiinin?

Dubka iyo  afkay naga yihiin duf ku baxayaale ,

waa niman darsoomoo, Kufriga aan waxbana doorin.

dib jirkii ridooboo mar hore Dawanka  Gaal raacay,

daaca qurun kuwaan fidiyiyo hadal dagaaleedka,

ee dacaayad uun sheegiyo warar darooryaana,

Kufri kii Durbaanka u tuma waa dembile weyne

dib u soo noqdaan oran intaan Naftu idin daayin.

intaasii daliil sugan iyo  waa run dibad taale,

deelayda Maansada ayaan sii daadihinaaye

Dumar iyo Caruurtaada iyo Derisya Jiiraanba,

iyagoo dayaysanoo Macquul darani ay hayso,

Diif iyo adoo gaajada dirgo kari weysan,

Docda kale hashaadii haduu Gaal dambarinaayo,

Doobte weyn hadduu qaadayee Duhurki Maalaayo,

Iska daawo mooyee hadaad Diiri kari weyso,

Dullinimo in aad qaadatay tahay Daliilkeede,

Diiwaankana waxaad uga dhigmee Darafka liitaaye,

Dabaq kii ku dhuunta iyo dogobyo hoostooda,

midki orod is daayee cagaha dubku uga hoolmo

fuleynimo  daraadeed halkii dirirta  aadin

Nin kastoo Daneeyaba ma helo Duni ku waarkeede,

Raggi kaa dareeryoo Jihaad doonay badankiiye,

Dalabkii Ilaahay adaa diiday Maqalkiiye,

lagaa dabaryay Kheyrkoo wanaag kala dibooteene,

Gaaladu dumar iyo niman kalama doortaane,

hadba ruuxey doonaan ayay Derinta geystaane,

waxa  raacay dooqqa ayay dood ka dhigayaane

Diric xiro ayaad sugi iyo darab gudee kaalay.

Gaaladuu waxay doonayaan daah nagama saarne,

Daruustey dhigaayaan iyo dabin waxay qooleen,

Dirqiskiyo Hujuunkoodiyo Damaca laab waalay,

Diban dibanyadooda iyo duud ka raradkooda,

Dulqaad kaan u yeelan haddii kale digtoonaada,

Doolar iyo xil beena ayaa lagu dayayaaye,

Hadii uu ka diidoo amuu  daney kari  waayo,

Waa Dagaal dharaariyo rasaas Danab la moodaaye.

Daasadda Naxligiyo qofkaan Dulunka taageerin,

daba dhilif ninkaan noqonina lagu daneyseynin,

ama aan daciif ahayn iyo  Doqon  wax uun ruuga,

Diracnimo ninkii laga gartaa la dal dalayaaye

Saadaamba wax loo dilayi waa dadnimadiiye,

Mar haddii Dalkeygii iyo Diin la igu haysto,

Diyaaradka guuxa  iyo kuman dabbaabaada,

iyo niman dab haystoo la baray diiraddiyo toogta,

docwaliba haddii uu Kufrigu Duhurki soo dhoobay,

waa in aan dagaalamaa si kale la isku dey waaye.

Duubka in aan adkeeyoo kobo suun dambale qaato,

Dushana Hubsaartoo aan galo Duurka iyo howdka,

Dibir iyo dhul  aan Ceel  lahayn oon la degin  waayo.

waxay danu I geysoon ku jiro Diraac iyo Roobba,

waxaan halaca diirtoo aan cuno hilibka diirdiirka,

diyaargarow  wixii aan ku jiro Dowro lagu dheehay

dibnaha waxaan ruugiyo dacayda hooseysa,

dakano  ninkii gala iyo kii u daba jooga,

Duhur iyo koley tahay habeen waa is dagayaane,

damashaad marrow galay kufrigu oo is kala daadshay,

rasaasta diryaanta  iyo Miino daba taala,

hoobiyaha la duulshee hadana degaya ee laaya,

waa in aan dushooda la tago difaacyaduu ootay,

degan daakum goortey noqdaan ee is dayo Meydku,

dabaadiga markaan ceyrsadoo, duudka kala gooyo,

Dabkiisiyo kolkii aan milkiyo Duunyo wuxuu haystay,

waa in aan dabaal dego markaas sida daraawiishe,

oo Maanso dulucdu dheertiyo Duur xul Tiriyaaye,

oo loo dabbaal dego xoriyada Da’in ina siiyay.

Wax dhan baa daruus Gaalku qoray looga dhigay doore,

Wax dhan baa  danuub loo barkiyay Ummad dadkeygaaye,

Wax dhan baa dariiqii wacnaa laga dabool saare,

dugsigii xumaa iyo wixii daaquud dhaqankiiye,

Shirkigii Dariiq lala fadhiyo daawaaf mid loo aado,

kuligood in aan duminna oo  dabar jarnaa weeye,

Dalkana intii iga maqnayd Sahal ku doonnaaye,

Shareecada in aan dabaqno oo dirito loo oogo,

Waa howl Ilaah noo diroon naga dahsooneyne,

Waa howl ninki daa’imaa derejo gaaraaye,

Waa Howl ninkii diida uu dib u dhacayaaye,

Durba waa in loo xukun tagoo laga dambeeyaaye.

Doog iyo barwaaqo iyo durdur webiyeeddba,

Dumar Xuural ceynoo Ilaah Qurux ugu deeqay,

Daalka iyo  iyo dhibaatada  Meel lagaga Diimaayo,

Wax kastooy daneynee Naftu Daar la wada keenay,

In uu dego ninkii raba ayaan baaq u diriyaaye,

Geesi laga dambeeyoo waqii dadku wada sheego

Dallaacaad in uu helo ama duunyo badan yeesho,

Dagaalkaa nimanbow galiyo qabiil daneyntiiye,

Ilaahay daraadii u aad Gaal la dirirkiisa,

Oo Dariiqa Nabi Muxamed Doc  ha uga leexan.(SCW).

Dunidaan u foolee sidii Damal sidkeed goysay,

Dowlad Islaamiya ayay dihan Idin Eebbe,

wuxuu daadku qaadaa Kufriyo daba dhaqiisiiye,

Doonidooda Ruuxii kora dan iyo yeelkiiye,

isu soo dunma oo qoryaha deegta wada saarta,

jihaadkaa Ninkii diidanu soo dallici maahe.

Waxaa Tiriyay Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-soomaali)

Cabdulaahisomali@hotmail.com