Axmed Xaaji”Wey Sii Kordheen Isbaarooyinka iyagoo Waliba Is hubaynaya”

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya oo ay Bilqanyihiin Isbaaroyin u yaala Maleeshiyaadka Dowladda ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan Isbaaroyin hor Leh In lasoo dhigay degmooyinka Dharkinlay iyo Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka hubaysan ee hoostaga Gudoomiyayaasha Degmooyinka Muqdisho ayaa laalay dalabkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Maxamuud Culusow ee ahaa in Laqaado 60 isbaaro ee lasoo dhigtay Muqdisho.

Axmed Xaaji oo kamid ah Darawalada gadiidka  BL-ka Muqdisho kudhex shaqeeya ayaa Wariyay oo sheegay in Isbaaroyin horleh Lasoo dhigay Muqdisho.

“Afar Isbaaro iyo Maleeshiyaad hubaysan ayaa hada waxa ay kusoo kordheen Wadajir iyo Dharkinlay iyagoo Waliba Lasii xoojiyay Isbaaroyinka,waxaana ku aragnay ciidamo ay hubeeyeen Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir”ayuu yiri Axmed Xaaji.

Qalqal dhanka Amaanka ayaa kajira goobaha ay yaalaan Isbaaroyinka Waxaana lagu dilaa dadka rakaabka ah iyo Darawalada oo hadii ay kadhaga adeegaan lacagaha baada Loogu bedalo  Rasaas.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu dhawaan Taliyayaasha Dowladda Ku Amray Lacagta Kasoo Xarooda Isbaaroyinka In lagu soo wareejiyo Dowladiisa.

Banaadir Post.