Askari Qamro cabay oo dad rayid ah ku Laayay Baladweyne.

Maleeshiyaadka  DF-KA  ayaa Xalay u dhacay  Xaafado ku yaala Magaalada Baladweyne ayaa halkaasi kagaystay dhac iyo dilal kadhan ah shacabka kudhaqan Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Mid kamid ah Wariyayaasha kahowlgala magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Dowladda ay gudaha ugaleen guri kuyaala Baladweyne halkaasina ay ku dileen sadax ruux oo dhalinyaro ah,waxaa dilkaas gaystay Maleeshiyaad cabsan!

Tan iyo markii Magaalada Baladweyne ay kabaxday gacanta Mujaahidiinta Soomaaliya waxaa kadhacayay dilal iyo dhac baahsan oo magaaladu ay kawadeen Maleeshiyaadka DF iyo Kuwa Itoobiya ee Xooga kuqabsaday Magaaladaasi.