Xaaladaha kala duwanaantooda leh wajiyadooda qarsoon iyo xeeladaha iska soo daba dhacaaya oo calooshu soo tufeeyso iyagoo mariideeysan naxdiintooda iyo yaabkooda leh habka Is-kaashiga isku duubnidda iyo hadafka danaha dadban leh eeyna dhanka tabinta ama faafiinta eey u xilsaaran yihiin(Raxanta xumaan,naceeyba iyo belaayo abuurida)eey wadaan-UniversalTV,Barnaamijyada xeeladeeysan VOA-ka iyo kuwa habkooda qaawan leh ee Shabeelle.net ayaa waxaa ku soo biiray ama loo xil-saaray afhayeen ahaan-Col-Xaamud ka mid ah Amison Jabuuti qeybteeda howsha farsameeysan oo sida dhabta ah ugu magacaaban yahay waa Afhayeenka Ciidmadda Amison.
Col-Cali Aden ayaa si cad uga leexsan xilka uu amison u haya si weyn ugu laban siyaasada somaaliyeed runtiina u xuubsiibteey afhayeenka rasmiga ah ee raxanta cusub oo sida tooska u iclaamisay la dagaalanka qiyamka ama sifooyinka wanaagsan ee xiriirka bulshadda Somaaliyeed si joogto ahna u hadaaqa ereyo kala fogeeyntooda iyo naceeyb abuurid ku saleesan goobaha lagu faafiyona UniversalTV hormood ka yahay oo aad arkeeysan waxyaabaha mudadan dame ka socda iyo noocyadaha dadka la soo fariisinaayo iyo wax laga xishoodo iyo luqad ceebteeda leh chanalkaasu tebinaayo.
Waana shakhsiyaad la soo diyaariyeey ama la soo xulay,Col Cali Xaamud ayaa ku khafiifay arinta J/Land iyo howlaha halkaas ugu socda beelaha Jubooyinka iyo Gedo oo ku mideeysan aayo ka tashigooda iyo tiir u taagida Dowlada Goboleedka J/Land oo kuwa uu Afhayeenka u yahay si weyn uga naxaan uguna jaha-wareereen cudur cusub oo madaxa galana ku noqotay(Alloow caafi kuwaas) hogaanka iyo Siyaasadda keli-taliye-nimada ah ee rajiimka Jabuuti ayaa arrimaha J/Land si cad fara-gelin ka muujiyeey waana arrin layaabkeeda leh oo loo qaadan karaayo ama si cadba u ah mid qarshekale ka dameeyo.
J/Land miyaa Jabuutina Baqal u soo Fuushay),Waxaanu halkan cambaareeyn culeeskeeda leh uga soo jeedineeynaa Rajiimka Jabuuti iyo caqli xume Col-Xaamud afhayeenka cusub kooxdda Somaalinimo diidka ah(Midnimo iyo Federaal diidka ah)xanuun cusub oo ka dilaacay Villa Somaalia,guusha waxaa leh rabitaanka aqlabiyada somaaliyeed iyo hanaanka eey doorteen qaranimo buuxda iyo habka federaalka ah.
Goboladda J/Land danahooda garte Maamulkooduna mid hadii Allah idmo tiirarka loo taagi doono dhowaan(hab midnimo iyo cadaalad leh) Guul-darro iyo fashilaad kooxdda dhinac marsan wanaaga iyo sharafta Somaaliyeed iyo afhayeenkooda lunsanba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Nov-26-2012.