(DHAGEYSO) Daahir Amiin Jeesow oo Beeniyay Warkiisii Ahaa In Raggu Is Guursan Karaan, sheegayna In Lagu Been Abuurtay, Maxaa Ka Jira?

Kadib markii uu waji gabax kala kulmay hadal uu kusoo dhaweeyay tallaabadii uu Baarlamaanka Uganda ku ogolaaday in raggu is guursan karaan ayuu xildhibaanku billaabay in uu beeniyo warkiisii, isagoo adeegsanaya qaar kamid ah warbaahinta dowladda taageerta.

Xildhibaanka ayaa shalay oo isniin ahayd ka dhawaajiyay in warbaahinta Islaamiga ah uu ka baxay hadal kiisa ah oo la marin habaabiyay, kaasoo markii horana si khiyaano ah looga duubay sida uu sheegay.

Laakin Xildhibaanku wuu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo waxa uu ahaa hadalka laga baahiyay, wuxuuse kusoo koobay in la weydiiyay su’aal ahayd, sideed u aragtaa tallaabada uu qaaday Baarlamaanka Uganda, isna uu si diiniyan ah uga jawaabay.

Haddaba ma dhab baa arintaasi, maxaa ka jira in xildhibaanku soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanka Uganda, mase jirtaa in warkiisa la qalloociyay?.

Maalin kadib markii Baarlamaanka Uganda isku raaceen in raggoodu is guursan karaan ayuu xildhibaanku sheegay in uu uga hambalyeynayo tallaabadaasi.

Su’aasha la weydiiyay oo ahayd sida uu u arko go’aanka Baarlamaanka Uganda iyo sharciga ogolaanaya arintaasi ayaa waxa uu yiri’ “aniga uga yaraan 23 sano ayaan daganaa wadamanka reer galbeedka, waan arkay laba ninoo is qabto iyo laba naagoo is qabto, laakin dimuqraadiyadda ayaaba ah waxa aniga iyo adiga ku heshiino, dimuqraadiyadda waxaa kaloo ah in caqlabiyad lagu kala boxo, waxay bulshada jeceshay oo lagu dhaqamo, waxaad arkeysaa niman la yiraahdo waa sheekhiin oo la leeyahay guurka waa ka xaaraan oo wax yaabahaasi waa waxyaabo ay iiga ay xeersadeen, marka ani waxaan qabaa dimuqraadiyadda waa waxa aniga iyo adiga aan ku hashiino ama mushtamac uu ku hashiiyo oo la hir galiyo, marka haddii aay hadda iiga sharci cusub aay sameysteen annaga kolley waan u hambalyeyneynaa, waliba waxaan leenahay il baxnimada cusub ayaa keeneysa in gabdhihi guurka uu u fududaado, in wiilasha guurka uu u fududaado” ayuu xildhibaanku uga jawaabay su’aashii la weydiiyay ee ku saabsaneyd tallaabada ay baarlamaanka Uganda ku ogolaadeen in raagu is guursan karo, dumarkana sidoo kale is guursan karaan.

Halkan ka dhageyso Codka Xildhibaanka

Haddaba mar haddii aan aragnay amaba dhageysanay hadalka xildhibaanka iyo sida uu u dhacayo, maxay tahay sababta ku dhalisay in uu yiraahdo waa la iga been abuurtay ama hadalkeyga ayaa la jarjaray?

Sidoo kale xildhibaanka ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd sida ay ku suura gali karto in rag isu dhoxo caqli ahaan, wuxuuna yiri’ “dadka markey is rabaan waxaa la siiyaa tababar si dabeecadda qofka aad isku cusubtihiin loola qabsado oo sidii laba qofoo isku cusub dabeecaddooda isu qaban lahayd ayaa la baraa, marka arimaha noocaasi iney wadankeena ka dhimanyihiin waan aaminsanahay, laakin haddana sida haweenka naagaha naagaha guursanaayo lesbian la yiraahdaa il baxnimadiyaa siyaadi” ayuu su’aashii kale uga jawaabay Daahir Amiin Jeesow.

Halkan ka dhageyso Codka Xildhibaanka

Jawaabtan uu bixiyay oo ahayd mid aad uga careysiisay dhageystayaasha iyo aqristayaasha ayuu xildhibaanku ku tilmaamay inuu ula jeeday dalka Indonisiya, lana weeciyay.

Haddaba haddii uu Indonisiya ula jeeday maxaa keenay inuu yiraahdo lesbian waa ilbaxnimadi oo siyaaday? Ma dhaqankaas ayaa ka jira Indonisiya? dabcan waxay ku laabaneysaa xildhibaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa markii uu inkirayay warkiisan warbaahinta qaar u sheegay in su’aalihii la weydiiyay uu uga jawaabay hab diiniyan ah, waa sax, laakin waa diintee, ma diinta islaamka mise dimuqraadiyadda? sida aan maqleynay ama aan qoraalka ku aragnay, wuxuu jawaabtiisa ku dhisay dimuqraadiyadda oo iyadu ogol in raggu is guursado dumarkana sidoo kale.

Hadduu xildhibaanku diin ilaalinayo ma waxa uu sharci ka dhigan lahaa dastuur oranaya caruurtu waxay ku qaan gaartaa 18 sano sida gaalada? Ma wuxuu qaadan lahaa dastuur ictiraafsan baaqa caalamiga ee xuquuqda aadanaha oo sharciyeynaya in qofku u uxor u yahay inuu gaaloobo?

Si kastaba ha ahaatee hadalkii uu xildhibaan Jeesow ku taageeray tallaabada ay Baarlamaanka Uganda ku ansixiyeen in raggu is guursado dumarkuna isu dhaxaan ayaa aad uga careysiiyay dadka muslimiinta ah, iyadoo culimaduna jawaab sharci ahi ka bixiyeen.

Marka diinta Islaamka laga hadlayo Liwaadka xukunkiisa waa dil, waxaana uu Allaah ku halaagay qowmkii Nabi Luud.

Waxaa qoray Duraan Cali Yuusf