Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa Kaniisad u bedalay Masjid ku yaalla magaaladaasi.
Dadka reer Beled weyne ayaa la amakaagay markii ay arkeen calaamadda Saliibka ee sedaxda gees leh oo masjidka laga taagay!!.
Sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Baladweyne, Ciidamada Xabashida ayaa Kaniisad ay ku cibaadeystaan waxay ka dhigtaan Masjidka gobolka ee magaalada Baladweyne.
Calaamado muujinaya Astaanka Saliibka iyo Shicaaraadka kale ayay Ciidamada Xabashidu sureen gidaarada Masjidka, iyadoona arrintaasi ay si weyn ugu xumaadeen dadka Baladweyne ku nool.
Talaabadan ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Xabashida ayaa waxay muujineysaa in dagaalka Soomaaliya ka socda uu yahay dagaal diineed oo u dhaxeeya Muslimiinta iyo Gaalada.
Baaritaano ayaa socda wixii soo kordhana waad heli doontaa InshaALLAH.
Banaadir Post