Sheekh Maxamuud ninka maanta hogaanka u ah kuwa loogu yeero Dowlada Federaalka ayaa Ka anbabaxay Garoonka Muqdisho Isagoo kusii Jeeda Dalka Kenya iyo Itoobiya taaso ah caado lagu yaqaan kuwa kursiga la keensaday.
Garoonka Aadan Cade waxaa Usii Galbiyay Dabaabaadka Ciidamada Amisom Guddoomiyaha Barlamaanka, Ra’iisul wasaare Saacid, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta, iyo Xubno kale oo kamid ah Ururka Islaax Gaar ahaan Faraca Damal Jadiid oo uu katirsanyahay Xasan Sheekh
Xasan Sheekh ayaa Waxaa Socdaalkiisa uu kaga Duulay Garoonka Lasheegay inuu kuwehlinayo wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji “Fiqi”
Ku simaha madaxweynaha oo ah Guddoomiyaha Barlamaan Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari oo Saxaafada Kula Hadlay Garoonka ayaa Sheegay in Xasan Sheekh iyo Wafdigiisa Jabuuti ay kula Kulmi Doonaan Saraakiil Cadaan ah iyo Hogaanka Dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Xasan Sheekh ayaa Lagu Wadaa inuu Socdaalo aan La ogayn waqtiga uu qaadan Doono uu kutago Dalka Itoobiya Si uu Taageero ugu Raadsado Dowladda Itoobiya oo Madaxweyne Kasta Ladoorto uu Talo iyo Tusaalo Kasoo qaato Xukuumada Kirishtanka Itoobiya.
Kuwii Xasan ka horeeyay ayaa waqti badan ku dhumiyay dalalka maanta Xasan aaday oo ah kuwa sida la ogyahay ah cadow somaliyeed mid soo jiray iyo mid cusuba sida jabuuti iyo ninka hogaanka u haya Ina Cumar Geele.
Xasanow ma ka soo heli doonta wax ay ka soo waayeen kuwii ka horeeyay?
Banaadir Post.