Waxaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ku xiran wariye Ibraahin Max’med Aadan oo ahaa wakiil wareedkii Idaacadda BBC-da ee Koonfurta Somaaliya.
Wariyaha ayaa u xiran saraakiil katirsan Dowladda Federaalka oo sheegay in uu ka sheegay warar aysan ku qanacsaneyn.
Idaacadaha maxaliga ah ee magaalada Xamar ayaa maalin walba baahiya warbixinno ku aadan xariga gar darada ah ee loo geysto Ibraahim Maxmed Aden.
Arrinta yaabka leh ayaa ah in hay’adda BBC-da ee uu katirsanaa aysan wax war ah kasoo saarin xariga wariyahooda,dadka xeeraraka saxaafadda yaqaan ayaa aaminsan in hay’ad warbaahineed aysan ka aamusi karin wariyaheedi oo xoriyadda laga qaaday balse BBC oo sheegata in ay tahay Akaadeemiyad saxaafadeed ayaa maanta sidaasi ku dhaqmaysa waxaa xusid mudan in BBC-da iyo Ururada saxaafadda sheegta ay ka hadli jireen xariga saxafiyiinta iyo dilalka loo geysto.
Dowladda Federaalka ayaa ku caanbaxday caburinta saxaafadda iyo dilalka saxafiyiinta Maxamuud Tarsan oo ah gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa loo heystaa dil ay askarta ilaaladiisa ah u geysteen wariye Cabdi Salaan Xiise sidoo kale tarsan ayaa dhawaan dacwad ku oogay Radio FM ah oo Muqdisho ka dhisan.
Banaadir Post