Gudban iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Sayidku wuxuu in badan isku dayey inuu Soomaali oo dhan kasbado oo si uu ku kasbadaba uu ku guulaysto inay dhinac uga soo wada jeedsadaan gumaysiga.  Gabay ammaan ah, mid guubaabo ah, mid goodi ah iyo mararka qaarkood mid wax ka sheeg ah ayuu ku dayey.  Mar wuxuu ku dayey diin iyo wacdi iyo jeclaysiin uu isleeyahay diinta jeclaysii, cabsida iyo cibaadada Eebbena ku dhalaali.

Marar kale wuxuu isku dayey wax siin uu maal badan dhinac walba u diray isagoo qof kasta oo magac ama maamuus leh farqaha u buuxiyey.  Intaas oo dhan markii waxba Alle ka aabayn waayey, waxay Sayidka iyo Daraawiishba la ahaatay in bal ay xeelad kale ku dayaan.

Iyagoo diinta cuskanaya ayey waxay goosteen in dadku labo midkood yahay.  In jihaadka taageersan oo Daraawiishta la jirta iyo in gumaysiga taageersan oo Daraawiish kasoo horjeeda.  Mar haddaan gumaysiga la jahaadayno ninkii noo soo raaca ama si uun u kaalmeeya waa noola mid ayey ku qanceen.

Mar haddii ay sidaa is tuseen waxay noqotay inay Soomaali badan coloobaan, qof Alla qofkii gaalka usoo raacana ay sida gaalka ula xarbiyaan.

Haddaba Sayidku isagoo isku daraya taariikh hore iyo sifayn xumo badan oo Daraawiish iyo Soomaali idilkeedba lagu falay, xusid nin karmeed badan oo Daraawiish laga makalay iyo sida ay Daraawiishi arimahaa uga gilgilan doonto ayuu wuxuu tiriyey gabaygan hoose.  Gudban ayaa loo yaqaan gabayga, dadka qaarkiina Gaalolegad ayuu ugu yeedhaa.  Waxaa la sheegay in Daraawiish oo dhammi xafidsanayd gabaygan.  Wuxuu yidhi Sayidku:

Awal maanso waataan gudboo, gudhiyey waayaaye
Waataan galbeedkaas u diray, guga hortiisiiye
Aan gasheeyo tii xalay hurdada, gama’a ii diiday

Galladaha Illaahay ka badan, geedahaas baxaye
Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine
Guddiyey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye

Najiskii gurta xumaa hadduu, shalayto geeryooday
Godka lagu cadaabkii haddaan, gawrac ugu jiiday
Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene

Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede
Isagay gargaaroo dugaag, iiga goonniyahe
Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane

Gandal-dheere waataan wax badan, guuyaduu madhaye
Gef hadduu ku sii daray wixii, lagu gufeynaayey
Anigu wow garaad qabay inuu, gigi waraabuuye

Giriirixis aan jirin waa wixii, gaabshay oo rogaye
Gaaleyska waataan la dhacay, gucurradoodiiye
haddeynan abaal gadin sidaa, uma gadoodneene

Godolkiyo kasnaantaan u qabay, kama galgaaleene
Kumana gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane
Waxse mowd ku gaardiyey markay, ganafka taageene

Gobowgii Shuxle ahaa haddaan, gowsihii jebiyey
Gegida Yuusuf jiifuu tukuu, gabas-dhebaayaaye
Geesaaska dumarkaa sidii, galow la moodaaye

Geed-joogahoodii haddaan, guduridii siiyey
Gus-ku-taajir baa ii hadhoon, ugu gamuumaaye
Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye

Majeerteenka kale inaan ku gudo, wayga garanuuge
Garacyada Bahdira haatanaa, guuto loo wiciye
Waa lagu galaal xoorayaa, gurigi Reer Nuure

gabagaba-rogaalkaa warmaha, lagu ganaayaaye
goobbay ku wada lee’an sidii, goosan weer helaye
Gafuurraxun sidee Eebbahay, guuldarra u raacshay

Afartaa geddii aan bartiyo, gololo’daydii dheh
Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol naqaygii dheh
Madfac gow yidhaahdiyo rasaas, gininigtoodii dheh

Guulaamo roob da’ahayiyo, gababaxdiisii dheh
Unkod guguguclayn iyo hillaac, galalacdoodii dheh
Gufaaciyo gudgude soo curtiyo, garamahoodii dheh

Guluuliciyo mayay laysku daray, galangalkoodkii dheh
Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh
Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl dheh

Shir la gooday waayeel gab yidhi, garangartiisii dheh
Xariir lagu gimmaamadahayiyo, gole firaasheed dheh
Xaajada ninkii garanayiyo, gig iyo sheeggeed dheh

Gobo’ kalana waa aniga iyo, ged iska sheeggayga
Galiilyoodayeey cadho miyey, gubatay laabtaydu
Gogoshii la ii dhigay miyaan, geydh la qaban waayey

Gabbal dhiciyo waaberi miyaan, socod ku gaarraaday
Gadiid maalin oo idil miyaan, gaafka sare meeray
Sidii awr gabraareed miyaan, gululubluu rooray

Ma gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay
Ma geddaabadhabadkaa sidii, geri i boodheeyey,
Gooxii aan yuururay miyaan, gibil madoobaadey

Raggii igu gadaannaa miyaa, aakhira u guuray
Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday
Gamiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laadlaadshay

Gelin haddii aan foororay miyaan, giirka kor u qaaday
Guhaad iyo calool xumo miyaan, geydhtayoo diriray
Hadba gees miyaan deyay intaan, gownaxyada buuray

Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyay
Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay
Ma genbaan u taagnahay intay, gaadho noloshaydu

War ma Dhooddi baa gaamuroo, garabku weynaaday
Ma galaasyo miidaan ku shubay, gamashigii dayrta
Gorgor kacey la moodyow durduro, ma igu gooraamay

Godobtaydu way wada jirtaa, goonyohoo idile
Gashi niman ku leeyahayba waan, dabagelaayaaye
Waxaan goosan karo anigu waan, gurubsanaayaaye

Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye
Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye
Gayigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye

Nin ganaananayaan ahaan, gabadhna dhaafayne
Waxaan geysto oo idili way, gun iyo rayrayne

Wixii guul darraystaba naflaha, wow gagabayaaye

Anigaba geddey igu faleen, waa gaggaab culuse
Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode
Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene

Anaa gaafahaaygii nadhaye, geyste nabarkiiye
Anna waxaan rasaasta u gingimay, gini colaadeede
Gabagabaha Bari waxaa ku xigi, go’aha Iidoore

Guban iyo Burciyo Looyo waa, gaalib weerar e
Gooddiga Arooraa fardaha, lagu garmaamayne
Gaaroodi iyo waa la tegi, buurihii Golise

Galaayuubta Hagar Aadan baan, gaaddow marine
Gembi wowgu ridi fulayadii, ganafka dheeraaye
Geeltoosiyaha waa la siin, gucurradoodiiye

Sidii garowhadhuudh baan kurtiis, guran Ogaadeene
Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walbaba jooga
Inshaa Allaahu way gudhahayaan, sida gal miireede

Gurraasiyo Iljeex waa la qaban, gooshka haatana e
Malahayga waa lagu galgalan, gaanka Reer Dalale
Gaas baa ku caran Reer Subeer, goborra weyntiiye

Kolaan Goora Cobolleey ka dayo, amase Geel-loo-kor
Huwan waa ka gabangaabsadaye, gelin ma waayaaye
Haaruun xaggee baa la geyn, Goha miyuu dhaafi

Afartaa gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo
Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago
Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo

Gabgabtiyo galaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye
Ninkii goomman wow shubahayaa, galaxa caanoode
Gabbaan laguma sooree nin raga, balaan ganuun siiyo

Waan gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadaydiiye
Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye
Aan gafleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye

Xaajada nin gunaan ahee, aan u garraardaayo
Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guurreeyo
Meeshuu garraarkeedu jiro, gow aan kaga siiyo

Nimaan gedo yarayn baan ahoo, Gaadda Weyn jiraye
Waa ii garaad li’i dantay, inaan ka gaaftaaye
Gobo kalana waa Eebbahay, midaan galliimeystay

Eebbow geyiga oo dhan waa , nalaga guulaaye
Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye
Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuunneeye

Go’na lagama qaadine dulmay, nagu gelaayaane
Gabbaad kale hadday noo helaan, waan gam’i lahaaye
Eebbow waxay nagu garbeen, diinta soo gala e

Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye
Eebbow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibaayey
Eebbow garow kagama helin, goolashaan wadaye

Gambalaaligii bay warmaha, nagu garraaxeene
Eebbow way gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye
Eebbow waxay gabawareen, Gaagguf iyo Xayde

Xirsigii garaaraha lahaa, gaarufkii dile e
Geydhaale Aw-Aadan bay, galowga taabteene
Eebbow geesigii Ina Dherey, ugu guduudsheene

Guxushaaga Baynaxa ilmadu, waatan gabaxleyne
Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu, ila gariiraaye
Eebbow ways gamaamaa markuu, gaarka soo maro e

Guuleedku wuxuu noo ahaa, guurti loo hiranne
Nimankii garaaddada ahaa, waa gadow jabane
Eebbow sidii gaanti maro, waa la gaasiraye

Eebbow gaadhi bay Reer Warfaa, guradiii saareene
Gubni baa ku dhacay reerihii, gaannanaan jiraye
Eebow goonni baa laga heliyo, guri qalaadeede

Gaaggii ka hadhay Reer Shawaa, caydh la golosleyne
Waxa goday sidii qaanso waa, gaajo iyo ciile
Eebbow waxaa gorof ku raray, duul Geshiiisha ahe

Cali-geri sidii loo gondolay, gobolba meel aadye
Waa gelengal nimankii fadhiyay, guriga Ciideede
Eebbow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede

Eebbow goonji weyn iyo xaqbay, naga gullaafteene
Guullow ma helayaan waxay, nagu gubaayaane
Eebbow waxay naga gogtaan, waa galoof olole

Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye
Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifaysaaye
Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye

Ma garaysni Eebbow waxaa, guufanneyska ahe
Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gar-Allayne
Eebbow markaan geyllamey, guulmiyo baqiye

Eebbow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye
Eebbow kufriga gedeftaley, gacanta haystaane
Eebow anaa kugu garlehe, guusha ha I seejin.