(DHAGEYSO)Ninka sheegta inow yahay Gudoomiyaha Shabeelad hoose C/Qaadir Siidi oo ka soo horjeestay in isbaarooyinka laga qaado deegaanada ay dowladdu ka arrimiso.

Xilli dhowaan madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay in la qaado isbaarooyinka ayaa arinaasi waxaa si weyn uga soo horjeestay qaar kamid ah mas`uuliyiinta DF-ka kuwaasi oo sheegay inaanay suurtagal ahayn in isbaarooyinka la qaado.

C/qaadir Nuur Siiddii, gudoomiyaha gobolka Sh/hoose oo kamid ah raga sida weyn uga soo horjeeda hadalka madaxweynaha ee qaadista isbaarooyinka ayaa sheegay inaanay suurtagal ahayn in la qaado isbaarooyinka daadsan deegaanada ay ka arrimiso.

Waxaana C/qaadir Nuur Siiddii uu sheegay in ciidamda iyo madaxda dowladdu ay ku noolyihiin dhaqaalaha ka soo xarooda, isagoona intaasi ku daray ina ka warqabaan dhaca kufsiga iyo dhibaatada ay shacabka ku hayaan ciidamada dowladda laakiin ayuu yiri aanay suurtagal ahayn qaadista isbaarooyinka ee xilligan.

Dhageyso hadalka C/qaadir Nuur Siiddii gudoomiyaha Sh/hoose ee DF-ka.

Hadalka ka soo baxay C/qaadir Nuur Siiddii waxaa uu si cad u iftiiminayaa in  madaxda dowladda qaybahooda kala duwan ay mas`uul ka yihiin islamarkaana ka dambeeyaan dhibaatada shacabka lagu hayo iyo dhaca joogtada ah ee ciidamda dowladdu ku hayaan shacabka.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.