DHAGEYSO Xasan Sheekh Maxamud Culusow”60 Isbaaro ayay Ciidamada Dowladdu Dhigteen Muqdisho”

Isagoo Kahadlayay Kulan Maanta uu Laqaatay Taliyayaasha Ciidamada DF ayuu  Xasan Sheekh Waxa uu Qiray in Ciidankiisa Muqdisho  Soo dhigteen Isbaaroyin Lacago Baad ah Looga Qaado Shacabka iyo Gawaarida kadhex Shaqeeya Muqdisho.

“Lixdan Meelood ayaa Muqdisho Dhexdeeda lasoo Dhigtay Isbaaroyin Lacago Looga Qaado Dadka iyo Baabuurta joogto ha ahaadeen ama soo boodo ha ahaadeen,ayuu Yiri Xasan Sheekh.

“Amar ayaan bixinay wasaarada Maaliyada Meel ay isbaaro la istaagi karto Muqdisho Majiri Kirto,isbaaro Gobalka Banaadir Lacag Loogu Qaadi Doonana Majirto”ayuu Yiri Xasan Sheekh oo Sikulul Ucanaantay Saraakiisha Ciidamada ee uu Maanta Lakulmay.

Dhgayso Codka Xasan Sheekh 60 Isbaaro ayaa Taala Muqdisho

Madaxweynaha Kooxda Camiilka u ah Dalalka Faragalinta Dhaqaalo Boobka iyo Diin Ladagaalanka Kuhaya Soomaaliya ee Xasan Sheekh ayaa Sidoo kale soo Hadalqaaday Kufsiga Askarta Dowladda kuhayaan Shacabka kudhaqan Goobaha ay Lawareegaan.

“Qofkii qof dilaa waa dil.Kufsigana waa dil” shareecada islaamka ayaa saas qaabto Qanuunkana waa dhaqan gelinaynaa meeshaas ayey naga joogta ayuu Madaxweynaha qudbadiisa ku sheegay.Xanuunka meel xun uu gaaray gabdhaheena waa sharafteena, cidii kufstana waa dil uma dul qaadaneyno.ayuu yiri markale Xasan Sheekh