DHAGAYSO: Waa Kuwaan Shacabka Reer Gaarisa iyo sida u ilmeeyeen “Ha Ooyin”!

GAARISA:- Runtii Qofkii iimaan ya ku jiro,  Ilmada ayaa soo dhaafaysa markii uu dhagaysto Hooyooyin Muslimiina, Arday iyo Waayeel Ilmaynaya oo Shalayna Hanti iyo xoolo lahaa, maantayna aanan haysan waxay ku qadeeyaan. Hantidoodii ciidamada Kenya ayaa kugubay Suuqqa weyn ee gaarisa ee loo yaqaano Suuq Mugdi.

Shacabka Soomaaliyeed ee Kenya xoogga ku haysato, ma jirin wax wanaaga oo dowladda Kenya iyo Soomaalida ay doortaan ay u qabtaan, balse waxay ugu abaal gudeen in ay xasuuqaan Hantidoodana gubaan!. Xasuuqaan Gaarisa kadhacay wuxuu la mid yahay xasuuqii Wagallo Bishii Feebaraayo 10,1984 lagu xasuuqay in kabadan Shankun oo Qof oo Soomaaliya.

Wadaaddadii Nairobi joogay ee Al-ictisaam, waatii ay shacabka Soomaaliyeed Khudbooyinka ugu akhrinayeen, gaaladaa kanaxday xasuuqa shacabka Soomaaliyeed!, waatii ay lahaayeen wax kasta oo dhaca Jihaad sidaas ku galimayno!, waa taas gaaladii ay shalay difaacayeen xasuuqayso shacabka Soomaaliyeed, waa kuwaas Ilmada qubaya Hooyooyinkii Gaarisa daganaa.

Dhagayso Shacabka Reer Gaariso MP3

Isha Maqalka BBCSomali