Markii Shabaab ay Kismaayo Joogeen: Hilibka Waraabaha Ma Xalaalbaa Mise Xaaraan? Markay Kenya Soo Gashay: Hilibka Soomaalida Ma Xalaalbaa Mise Xaaraan?

Diinta islaamku waa diin nabad iyo ku dhaqan, ilaa markii islaamka soo degayna waxaa lagu dhaqi jiray dadkii islaamka ahaa diintooda waxayna kala kulmi jireen cadaalad, nabad, barwaaqo, iyo farxad, way jirtay in dad ay dareemaan cadaalad daro iyo xaq daro balse kalamaysan kulmayn diinta ee waxay kala kulmayeen dadku ku dhaqayey diinta oo laga yaabo inay khaldameen maadaama dadku uu yahay binu aadam ee laga yaabo inay khaldamaan saxooduna badan yahay.

Soomaalidu in badan waxay karaahsadaan isku xukunka shareecada islaamka, iyadoo sababtaas loo fasiro dhowr arimood oo kala duwan tan ugu quwada wayna ay tahay in dadka soomaaliyeed diinta lagusoo gaarsiiyay dacwo iyo jileec oo aysan arkin cunfi iyo seef sida dalalka kale ee diinta islaamku gaartay oo qaarkood sanooyin lakor fadhiyay si loo islaamiyo ayna diideen kadibna xoog iyo seef lagu islaamiyay, Soomaalida ayaanan dhibtaas arkin waxayna uhaystaan diintu inaysan ciqaabin cidii ku xad gudubta diinta iyo dadka, sidaa darteed ayaad arkaysaa hooyo waayeel ah oo diidan in qofka far lasaaro haduu rabo ilaahayba ha caayee, waxayna ku kudhahaysaa markii aad tiraahdo ”hooyo xiligii nabiga ayaa xadkaan la oofin jiray” waxay kuleeyihiin sida dhacdayba ”haku been abuuran xiligii nabiga dad lama karbaashi jirin gacmo iyo lugana lama goyn jirine”. in badan ayaa fikradaas haysta waxayna door bidaan in diinta islaamku xor tahay oo waxad rabto samayn karto aysana jirin wax ku celin kara ama yac ku dhihi kara, hadii lahelo qofka u istaaga inuu dadka yac dhahana il gaara lagu fiiriyo lana fiijiyo cay iyo cadaabna la isugu daro.

In badan oo Soomaalida ah waxay aaminsanyihiin qofku haduu islaamo inaysanba macquul ahayn inuu diinta ka baxo wuxuu rabo haba sameeyee, arintaas oo aan ahayn mis sal iyo raad toona leh, diintuna qofkaas waxay utaqaan qof hawadiisa, naftiisa iyo shaydaan raacay waxay ugu sheekeeyeena qaatay.

Soomaaliya waxaa isku soo badalay xukumo kala duwan oo kala ahaa: Qabaa’ilo, Dimuqraadiyad , Shuuciyad, Suufiyo, Hogamiye kooxeedyo iyo Xukunno gaalo. Dhamaantood kamaysan tarjumayn diinta islaamka bal e waxay cadow ku ahaayeen diinta islaamka iyo kudhaqankeeda iyagoo rabay inay dadka tusiyaan in diinta wax aan ahayn ay dhaqan gali karaan, Arintaas oo kuso dhamaatay fashil iyo burbur iyo caro alle.

Hadaba markii dadkaan u yimi xukunkii alle iyo isku xukunkii shareecada islaamka waxaa loola baxay seef iyadoo lagu dhawaaqay inaan lahirgalin karin lana arki karin ku dhaqankeeda, dadkaas ladagaalamayey waxaa ku jiray culimo ogaa in hadii la isku tijaabiya isku xukunka diinta lagu guulaysanayo, sidaas darteedna ay u hor istaageen.

Sanadahaan dambe waxaa noo yimi dhalinyaro nagu xukumay shareecada islaamka waxaana bilaabatay in lasuurad xumeeyo shareecadii, dadkiina lagu diro diintii iyo isku dhaqideeda, waxaa dagaalkaas hor boodayey gaalo waxaana daba booday kuwo muslimiin sheeganayey lakin munaafiqiin ahaa.

Kismaayo waxay noqon kartaa tusaalaha iigu dhow ee aan wakhti badan idinka qaadanayn inaad fahantaan, waxaa lagu xukumay shareeco waxaana ku xukumayey wiilal yar yar oo ilaahay u hibeeyay geesinimo, karti, aqoon, rayi wanaag, iyo  cadaalad, waa markii aan meel iska dhigno daacayada suuqa lagashaday ee aan soo sheegnay ee lagu suurad xumaynayey shareecada iyo ehelkeeda.

kismaayo kama jirin Qabiil mana la isku qabsan, nin walbaa wuxuu qabsanayey dantiisa, dadkuna waxay ugu wada noolaayeen xoriyad iyo cadaalad, dad ayaa u istaagay wiliba sanado hore inay iftiinkaas damiyaan waxayna uqayla dhaanteen cadow iyo xaasid.

Kismaayo dadka kunool marna iskumaysan qabsan ama ismaysan waydiinayn cadaalad darro ayaa ka jirta kismaayo? qabiil ayaa qabsaday? maamulku wuu nadhibay? dekada anagaa leh? iyo su’aalo kale oo maanta taagan.

Su’aalaha ugu badnaa ee la is waydiin jiray waxay ahaayeen kuwo kusaabsan arimo bulsho iyo arimo yar yar oo dadku aysan ka maarmin inay is waydiiyaan iskuna qabsadaan, waxaana ugu waynaa Hilbka Waraabaha ma xalaalbaa mise waa xaaraan? su’aashaas ayaa ugu badanayd waxa la’is waydiiyo iyaduna maahayn mid ku saabsan maamulka maamula kismaayo iyo mid dhaliil loogu soo jeedinayo, su’aashaas oo jawaabteeda soo gaartay banaanka kismaayo.

Markii ladiiday nabadii iyo nuurkii waxaa loo dhaqaaqay damintooda waxaa laguda galay in laburburiyo wixii wadaadada iyo walaaluhu ay taageen (shareecada), waxaa ladoor biday maamulka gaalada sanka waawayn ee kenya waxaana layiri kaas ayaa ka fiican kan shabaab.

Kadib galitaankii Ciidamadii Axmed madoobe iyo Kenya, dadkii nabada haystay waxay lakulmeen cadaab iyo dhib joogta ah oo waxayba ku waasheen walaalayaaloow noo soo noqda?

Kismaayo wixii ka dhacay xitaa dadka dhagoolada ah way arkayeen cid looga sheekaynayo majirto, waxayna gaartay heer ladhaho qofkaan kenya rabin kabihiisa ka gashado Kismaayo, waxaa ilaa amaalintii dhacay oo bilowday boob, dhac, dil iyo kufsi kaas oo ilaa hada socda.

Su’aalaha ugu badan ee shacabka kimsaayo is waydiinayaan ayaa ah: dhiigeenu ma xalaalbaa mise waa xaaraan? Goormaa laydiin soo dhici doonaa? dumarkii oo leh Goormaa laydan kufsan doonaa? ma somali ayaa tihiin mise Sanka dhuudhi? kismaayo yaa lah? ma absame mise harti? ma sade mise irir? ma raxanwayn mise gaaljecel? side layga so celin karaa kismaayo? ma iyagaa leh? iyo su’aalo kale oo muujinaya niyad jab iyo ka samir.

Dhamaan su’aalahaas maysan ahayn kuwo yaalay kismaayo dadkuna si isku mid ah ayey ugu noolaayeen ugana shaqaysanayeen una daganaayeen, hadaba su’aasha taagan ayaa ah maxaa ladheefay? kismaayo ma roonaatay markii laga daweeyay shabaab mise wayba sii sakaraaday? calaacalka goormaa lagaaga baahanyahay goormaase lagaaga baahnayn?

Balse dadku hala socdaan nuurka hadii meel laga damiyo inuu dhul kale ka ifayo, iftiinkii kismaayo hadii ladamiyay iftiino badan ayaa ka ifaya Soomaaliya, Shareecaduna waa tii kusoo noqota Kismaayo iyo dhamaan intii muslim dagan yahay.

(قوله تعالى: (يريدون ليطفئوا نور الله بأفواههم والله متم نوره ولو كره الكافرون

W/Q: Abu Sayaaf.