Waxaa la hubaa in lagu takri falo safaarahada Somaliyeed meel walba ay ku yalaan,laakin waxaa maalmahan lala yaabay in safaarado la kiresyto oo la biisho,safaradahaas oo milki Somliyeed.
waxay la mid tahay waxyaabaha xun oo Somalida laga bartay mudada oo dhulkoodii dhibku ka jiro;-
- Dad an waxba galabsan dhiigood la qubo
- Haweenka la kufsado
- Hantida kan xooga yar oo la xalaalaysto.
- Dhallin yaradii dalka laga dhigo wax badaha lagu shubo iyo wax dalalka deriska loo cayriyo.
- Caruurta ciidan shaydaan lagu marin habaabiyo”Dowlo duli ah”
- Ardada iyo waxgaradka la xasuuqo
- Dood la galiyo lahaanshii dhulka somaliyeed (memorandum of understanding-kii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ) oo hadda dhibaato saamayn weyn yeelandoontaa ka taagan tahay!
Intaa oo dhan somalida maanta waa qabatiintay oo cidna diirin maayaan maanta.
Maanta waxaa la marayaa in nin ad moodid in dhibaad loo siiyey “danjirenimada” europe oo idil u kiraysto safaaraddii somaliyeed ee Roma oo ka mid ah dhulka somaliyeed, calankii dajiyo, laalo xasaanaddii dhulka safaaradu lahayd.
Waloo ayna horay uga dhicin aduunka tan oo kale in danjire dajiyo calankiisii oo mid kale ka taago meeshiisii(waa la dejiyey bulugley waxaana laga taagi doonaa meesha marka la dayactiro astaanta shirkadda kireysatey) waxaa naxdin iyo la yaab leh in ilaa hadda ayna dowladda somaliyeed qaadin wax tillaabo ah waxna ka oran arrintaas.
Maadaama hubaal ay tahay in arrinta la gaarsiiyey miyey raalli ka tahay ?
yaa danjiraha u fasaxay tillaabadan foosha xun mise asagaa boqor ismoodey sida u uguba jawaabey dad weydiiyey haddii dowladu wax ka ogtahay arrinta oo ku yiri dowladda anaaba ka jooga ?
waa run in asagu ka joogo dowladda lakiin wuxuu ismoogeysiiyey in ka joogitaankiisu ku egyahay in sharci ah oo ku salaysan ilaalinta danaha qaran. Ka tillaabidda xadka danaha qaran waa qawlaysatonimo.
Iska daa danjire ay tahay in u ku shaqeeyo awaamir sugan ee dowladeed eh xataa xukuumaddu awood uma leh in ay hantida shacabka iyo astaanta qaran saa ka yeesho ayadoo an barlamaan xaq ahi usan saas fasax u siin?
Safaaradda Talyaaniga ee somaliya joogtey waxay lahayd lambarka 1aad ee safaaradaha somaliya jooga taasoo macneheedu ahaa in ay dhignayd dalka 1aad ee an xariirka la lahayn. Waxaa tanina ka dhigan tahay in safaaaradeena talyaanigu ay ka tahay safaaradaheena dibadda midda 1aad.
Calanka “danjiraha” somaliyeed ka dejiyey Roma wuxuu tilmaamaya xooritaan iyo ka tanasulid aqoonsigeenii 1aad ee aduun oo dhan.
Waxaa yaab iyo amakaag eh Goorma iyo xagee an cid ugu wakiilanay ka noqoshada gobonnimadayadii ?
Wax xun oo badan yaa horay naloo baday, lakiin dadka somaliyeed qaadan maayo qabatimina maayo in qaranimadiisa iyo dalkiisa maalinba
Wax- iskuma- fale shaabad usan istaahilin la siiyey u qaar ka rifto. Shacbiga somaliyeed wuxuua ka sugayaa dowladda(madaxweynaha, xukuumadda iyo barlamaanka intaba) in ay si degdeg ah arrintan wax uga qabato haddii fal dambiyeed jirana loo ciqaabo ciddii mas’uul ka ah.
Inkastoo arrinta safaaraddu ayba dhaafsiisantahay musuqmaasuq oo ay fooda la galayso khiyaamo qaran, waxaa dowladda shacbigeedu doonayaa inay oofiso la dagaallankii mususuqmaasuqa ee ka ballan qaday.
Cabas C. Cabdullahi