Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka dooday howgalladii ay ciidamada milateriga Kenya ay ka fuliyeen magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-Bari ee ay Kenya Soomaalida ka haysato, Howlgalladaasoo ay ku dhinteen Shacab Soomaaliyeed, kuwo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen, sidoo kalena geystay burbur hantiyeed oo fara badan.
Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhuujis ee degmada Gaarisa, Aadan Barre Ducaale oo baarlammaanka hortiisa ka hadlayay ayaa sheegay in ciidamada milateriga Kenya iyagoo aan cidna kala tashan ay howgallo ka billaabeen waddooyinka Gaarisa, isagoo ka dalbaday madaxweynaha Kenya inuu soo farageliyo arrintan.
“Taliyaha guud ee Ciidamada Kenya oo ah Madaxweyne Mwai Kibaki kama aamusi karo xad-gudubyada ay milaterigu ka geysteen Gaarisa, haddii uu aamusay markii dadka lagu laayay Tanariva, haddii uu aamusay markii 45 askari lagu dilay deegaanka Baragoy, kama aamusi karo waxa ka dhacay Gaarisa. Wasiirka difaacu wuxuu noo ballan-qaaday in madaxweynaha uu kala hadli doono inuu shacabka Kenya kala hadlo wixii ka dhacay Gaarisa,” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre.
Xildhibaannada Baarlammaanka Kenya ayaa waxay shaki geliyeen doorka uu milaterigu ku leeyahay marka ay timaado dhibaato dalka gudihiisa ah iyadoo aan loo fasixin in ay howgallo sameeyaan. Waxaana arrintan ka hadlay xildhibaan Yuusuf Xassan oo laga soo doorto degmada Kamakunji oo ay ku taallo xaafadda Islii ee Nairobi.
“Dalku miyuu burburay, ma waxaan ku jirnaa xaalad dagaal. Uma maleynayo inuu jiro waddan caadi ah oo milaterigiisa u isticmaalaya arrimaha gudaha iyadoo dalka uu yahay mid ammaan ah. Sidaa daraadeed qiil ma loo heli karaa inaan milateriga u adeegsanno arrimaha gudaha?,” ayuu Yuusuf Xasan weeydiiyey Xildhibaannada.
Fadhigii baarlamaanka Kenya ee Maanta ayaa waxay saacado badan ku qaadatay in la dhiso guddi baaritaan ku sameeya dhacadadii Gaarisa oo ay dad badan waxyeello kasoo gaartay. Waxaana sidoo kale howgalka milateriga ee Gaarisa ka dhacay cambaareeyay xildhibaanad Mili Odiyambo.
“Xitaa waxaa khalad ah in kulammada baarlamaanka ay sii socdaan arrimo dhowr ah oo aad u daran awgood, waxaa ka mid ah arrinta ka dhacday Gaarisa, waxaan ka walaacsanahay inaan ku laabannay xilliyadii madoobaa ee dadka la layn jiray. Waa inaan deg-deg u joojinno kulamada baarlammaanka oo aan ka tashannaa arrimaha dhacaya,” ayay tiri Odiyambo.
Degmada Gaarisa ayaa deggen kaddib laba maalmood oo milateriga Kenya ay Shacab Soomaaliyeed ku xasuuqeen, taas oo ka dhalatay dilka saddex askari oo ka tirsan milateriga Kenya oo Kooxo hubeysan ay geysteen, iyadoo aan illaa iyo hadda la ogaan cidda ka dambeysay dilka askartaas.
HOOS KA DAAWO XASUUQA CIIDAMADA KENYA AY SOOMAALIDA GAARISA U GEYSTEEN.