Madaxda Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay Arbacadii shalay inay si wadajir ah isaga kaashadaan Arrimaha ku saabsan Siyaasadda Soomaaliya, Iyadoo labadaasi Dal Madaxdoodu uu Muddooyinkii lasoo dhaafay ku kaladhex jiray Mad-madow iyo Shaki tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen Koofurta Soomaaliya.
Itoobiya oo iyadu ahayd qolada kaliya ee ay Ciidamadeedu ka taliyaan qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah marka laga soo tago Ciidamada AMISOM Lacago fara badanna Reer Galbeedka kaga cuna arrintaas, Ayaa ka carootay in Kenya ay kusoo lug lahaato Siyaasadda Soomaaliya, Iyadoo Itoobiya weliba kasii shakisay Maleeshiyaadka Ciidamada Kenya Dagaalka ku wehliya ee Axmed Madoobe uu horkacayo in ay Cilaaqaad la leeyihiin Jabhadda ONLF ee Dagaallada hubeysan kala soo horjeedda Rajiimka Tigreega ee Waddankaas ka jira.
Haddaba Heshiiska shalay ay labadan Waddan Madaxdoodu gaareen ayaa waxa uu hordhac u yahay Hagardoomiyinka Labadan Waddan ee Soomaaliya Dhulalka ka haysta ay ku wadaan Waddanka Soomaaliya, si aaney Soomaaliya weligeed uga bixin Dhibaatada iyo Burburka, Iyagana aan loogu qabsan Dhulka Soomaaliyeed ee ay haystaan, Weliba ay kusii darsadaan Deegaanno kale oo hor leh.
Hawlgalka AMISOM oo Hakad Ku Jira Xilli Saraakiisha Uganda ay Dalbadeen Baaritaan Lagu Sameeyo Miinooyin La Sheegay In Ethiopia Laga Keenay
Muqdisho (RBC) Waxaa hakad galay guud ahaan hawlgalkii ciidamada AMISOM ee koonfurta Soomaaliya ka socday ee ay iyaga iyo ciidamada dawlada kula dagaalamayeen kuwa Xarakada Al Shabaab kadib markii dalab ka soo baxay saraakiisha ciidamada Uganda oo hormuud u ah kuwa AMISOM.
Ilo wareedyo ku dhow taliska AMISOM ayaa u sheegay Raxanreeb in saraakiisha Uganda ay soo bandhigeen dalab ah in baaritaan lagu sameeyo miinooyin nooc cusub ah oo 19-kii bishii hore lagu qarxiyey baabuur ay lahaayeen ciidamada Uganda ee ku sugan agagaarka deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaraxaasi oo ay masuuliyadiisu sheegatay Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa askarta Uganda kaga dhintay shan askari iyadoo baabuurkii ay wateena uu ku burburay. [HALKAN KA AKHRI QARAXAASI
Dood iyo tuhun ayaa ka dhashay halka laga keenay miinadaasi kadib markii baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen saraakiisha Uganda ay ku ogaadeen in miinada qaraxaasi loo adeegsaday aysan ahayn kuwii horey loogu yaqaanay qaraxyada Al Shabaab ay dhigaan ee ka dhaca koonfurta Soomaaliya.
Sarkaal aan rabin in la magacaabo oo aad ula socda xogta baaritaankaasi ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey in miinada Al Shabaab u adeegsadeen qaraxa Leego ay ahayd nooca “Anti Tank” oo lagu farsameeyo gudaha dalka Ethiopia taasoo la qiyaasayo in dhowaan la soo geliyey Soomaaliya.
Saraakiisha Uganda waxay sheegayaan in Al Shabaab ay heleen miinooyin aad u fara badan iyo bambooyin laga keenay Ethiopia kuwaasoo ganacsato lacag doon ah ay u soo marsiiyaan dhanka dhulka, taasoo dhalisay in tuhun uu kala dhexgalo AMISOM iyo Ethiopia oo ciidamadooda ay ku wada sugan yihiin Soomaaliya.
Ganacsiga hubka Ethiopia
Mid ka mid ah baabuurta AMISOM oo ku burburay qaraxii Leego.
Rasaasta iyo qalabka loo adeegsado farsameynta qaraxyada ayaala sheegayaa in ganacsato ka soo iibsatagudaha Ethiopia ay u geeyaan Al Shabaab iyadoo lacag xad dhaaf ahna loogu bedelo gabacsatada hubka ka keenta Ethiopia.
Raxaanreeb ayaa ogaatay in horraantii bishii hore xuduuda Ethiopia iyo deegaanada Somaliland ay ka soo talaabeen labo baabuur oo siday miinooyin dhulka ee lagula dagaalamo gaadiidka gaashaaman iyo bamooyinka gacanta oo ganacsi ahaan looga soo qaaday Ethiopia, waxaana miinooyinkaasi intooda badan laga iibiyey Xarakada Al Shabaab, halka qaar kalana loo iibgeeyay maamulada Somaliland, Khaatumo iyo suuqyada hubka ee ku yaalla deegaanada Puntland.
Ilo wareedyada waxay kaloo sheegayaan in baaritaanka ay dalbadeen saraakiisha Uganda uu qeyb ka yahay xogo kale oo tilmaamaya in miinooyinka nooca cusub ah ee ganacsi ahaanta u heshay Al Shabaab looga hawlgalay deegaano ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan magaalada Kismaayo halkaasoo ugu yaraan labo jeer Xarakada Al Shabaab ay qaraxyo kula beegsadeen kolonyo ciidanka Kenya ah oo u kala socdaalayey Kismaayo iyo Afmadow.
Taliska AMISOM waxay ka careysan yihiin kana shaki qabaan in Ethiopianka aysan daacad ka ahayn hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ee gudaha Soomaaliya.
Sarkaalka la hadlay Raxanreeb, ayaa sheegaya in Ethiopia ay dhowr jeer welwel ka muujisay in haddiimagaalada Kismaayo laga yagleelo maamulka hadda qabanqaabadiisa la wado, isla markaana aysan ku dhex jirin siyaasiyiin ay u arki karto danteeda inay raali ka yihiin in markaasi maamulkaasi uu khatar ku noqon doona amaanka Ethiopia ayna waajib tahay inay ka hortagto. Wuxuuna intaa raaciyey inay suurtagal tahay in hab majaxaabin ah u ku dhaqmeyso Ethiopia si ay u fashiliso hawlgalka AMISOM.
Waxay kaloo Ethiopianku rabaan in talo muuqata ay ku yeeshaan maamulada la qorsheynayo in laga sameeyo Hiiraan, Baay iyo Bakool si ay ugu dhex abuurto siyaasiyiin qabiilada deegaanadaasi ka soo jeeda oo ay wax la wadaagi karto oo teed uga noqda dhinaca Soomaaliya. [AKHRI WARBIXIN KHILAAFKA]
Tuhunkan dartiis ayaa sabab looga dhigay inuu hakadgalo hawlgaladii AMISOM iyo ciidamada dawladu ka wadeen gobolada Shabeelooyinka iyo Jubbada Hoose, waxaana taliska AMISOM gaar ahaan Uganda saraakiishooda ugu sareeya ay rabaan in la soo ogaado sida miinooyinka Ethiopia ku hesho Xarakada Al Shabaab ka hor inta aan meel kale loo dhaqaaqin.
XIGASHO RAXANREEB